Xukuumadda Siilaanyo oo Xeer-ilaalinta u gudbisay Dacwad ka dhan TV-ga Caalamiga ah ee Horn Cable

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Xeer-ilaalinta u gudbisay shalay Dacwad ka dhan ah Telifeshinka caalamiga ah ee Horn Cable TV, ka dib markii uu dhawaan baahiyey laba waraysi oo TV-gu la yeeshay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw.

Sida uu Wargeyska Ogaal xalay u sheegay Maareeyaha Afrika u qaabbilsan TV-ga Horn Cable Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Madaxtooyada oo Dacwaddeeda sii marinaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta, ayaa shalay qoraal Dacwad ah iyo Cajalad Waraysiyadaa lagu duubay inay shalay u gudbisay Xeer-ilaalinta, qoraalkaas oo ay ku codsanayso Warfaafintu in Xeer-ilaalintu Dacwad ugu soo oogto Horn Cable TV.

Maareeyaha Afrika u qaabbilsan Horn Cable TV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), waxa uu sheegay inkasta oo aan weli loo keenin Qoraal Xeer-ilaalintu ama C.I.D-du ugu yeedhay Maamul ahaan, haddana uu ogaaday inay Madaxtooyada oo maraysa Wasaaradda Warfaafinta ay Dacwad ka dhan ah TV-ga uu Maareeyaha ka yahay u gudbisay Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka.

Maareeye Maxamed-Ilig, oo la weydiiyey sababta keentay inay Xukuumaddu Horn Cable TV Dacwayso, ayaa sheegay in sababta loo dacweeyey tahay Waraysiyo ay la yeesheen Cismaan Buurmadaw oo ay Madaxtooyadu si wayn uga cadhootay, isla markaana Waraysiyadaasi yihiin waxa ku dhaliyey inay ka Dacweyso TV-ga Xeer-ilaalinta guud.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dacwaynayso Horn Cable TV, ayaa u muuqata mid aan sharciga waafaqsanayn, maaddaama oo qof kasta oo Muwaadin ahi xaq u leeyahay inuu Saxaafadda ka hadli karo,  haddii uu wax dhalliilayo ama wax toosinayana qoraal iyo cod labada uu Warbaahinta ku marin karo. Sidoo kalena ay Warbaahintu xaq u leedahay inay cid Xukuumadda ka tirsan, cid aan ka tirsanayn, cid taageersan iyo cid dhalliilaysaba ay Waraysan karto, waxna ka baahin karto.

Sidaa daraaddeed, waxay tallaabada Xukuumaddu ka hor-imanaysaa Xeerka Saxaafadda dalka, Xeerka Saxaafadda caalamiga ah iyo sidoo kale Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo intuba Warbaahinta iyo Muwaaddiniinta u dammaanad-qaadaya Xorriyatul-qawlka iyo Madax-bannaanida hadalka.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com