Xukuumadda Siilaanyo oo markii u horeysay ka hadashay Wasiirradii Iska casilay iyo Miisaankooda Siyaasadeed

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa weedho kala duwan oo u muuqda nin Jeclaysi iyo Xod-xodasho ku fasirtay go’aanka ay isku casileen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis SAmaale iyo Wasiirkii Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo todobaadkan shaaca ka qaaday inay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo madaxweyne Siilaanyo Wasiirka Waxbarashada ugu magacaabay Isku-shaandheyn uu ku sameeyey golihiisa Wasiirrada, haseyeeshee Cabdicasiis Samaale oo saluugay nidaamka madaxweynuhu u cuskaday beddelkiisa oo uu ku tilmaamay inaan lagala shan, isaga oo ku gacan-saydhay xilka wasaaradda Waxbarashada ee loo magacaabay.

samaale abiibSidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Wershadaha Abiib Diiriye Nuur, ayaa shir-jaraa’id oo uu dorraad ku qabtay gurigiisa ku shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey Xukuumadda, waxaanu go’aankiisa ku sababeeyey inuu daba-socdo xilka laga qaaday Wasiirka Maaliyadda oo uu tilmaamay shakhsiyaad adeegsanaya awoodda madaxweynaha inay ka dambeeyeen.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta warfidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu siyaabo kala duwan u fasiray aragtida xukuumad ahaan ay ka qabaan is-casilaadda Samaale iyo Abiib Tima-cad oo labadoodu ka soo jeeda gobolka Gabiley.

Cabdilaahi Daahir oo wax laga weydiiyey go’aanka is-casilaadda Cabdicasiis Samaale, waxa uu ku jawaabay, “Cabdicasiis Samaale wasiir muhiim ah buu ahaa, waa aasaasayaashii Kulmiye, immikana maan maqal inuu yidhi Xisbiga Kulmiye waan ka baxay, mana filayo inuu isaga yahay ninka yidhi ‘Dabbaakhiintaa badan’. Cabdicasiis Samaale waxaan leenahay waa xisbiga Kulmiye, Kulmiyena waligii wuu is-qabtaa, marka dambena sida uu noqdana waad taqaanaan,” Sidaas ayuu yidhi.

Wasiirka Warfaafinta oo la su’aalay sida ay xukuumad ahaan u arkaan is-casilaadda Wasiirkii hore ee Wershadaha iyo dhaliilo uu xukuumadda u jeediyey, waxa uu ku jawaabay, “Abiib Diiriye isaga waxba odhan maayo. Xukuumaddu hal masuul bay leedahay, waana madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Maalintii uu isaga magacaabay, haddii uu u yaqaanay Kuug kaliya, markuu maanta ka tagayna waa Kuuggii uun,” ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cukuse.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta oo sidoo kale ah Afhayeenka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa u muuqda mid ka tarjumaya Miisaanka ay labada wasiir ee is-casilay ku lahaayeen Xukuumadda iyo sida ay Madaxtooyadu u danaynayso sidii loo heshiisiin lahaa Cabdicasiis Samaale.

SOMALILANDPOST.NET