Xukuumadda Siilaanyo oo ay Laf dhuun gashay ay ku noqotay buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex

Aniga  oo ah muwaadin reer Soomaaliland ah ka mida muwaadiniinta u dhalatay gobolka Maroodijeex waxaan maqaalkan kaga hadli doonaa oo dhibaatada haysata gobolka moroodi jeex oo runtii loogu abtiriyo caasimada jamauuriyada soomaaliand laakiin uu hada waqtiga xukuumada Siilaanyo uu shaki wayn ku jiro caasimadnimada jamuuriyada soomaaliland inay tahay hargeisa .

Si kastaba ha ahaa waxaa maqaalkan igu kalifay oo aan ka adkaysan waayay tallo xumada xukuumada Madaxweyne Siilaanyo , taasi oo ay dagdeg badani ka muuqdo  sida muuqato .

Hadaba waxaa ka muuqata gobolka maroodi jeex ee caasimada soomaaliland bur bur maamul iyo isku xidh la’aan soo wajahday inta ku abtirsata Gobolka Maroodijeex iyo deegaanada hoos yimaada .

Bal u fiirso muwaadin waxaa laga jooga mudo ku dhaw 6 bilood waqtigii ay xukuumada m.Siilaanyo xil ka qaadis iyo weliba xadhigba iskugu dartay gudoomiyihii gobolka moroodi jeex taasi oo lagu eedeeyay markii hore musuqmaasuq iyo dhac raashin mucaawino ah ,markii danbena wax danbi ah oo la xidhiidha eedaynta uu madaxweyne Siilaanyo la hoosdhigay lagu waayay dib hadana loogu eedeeday dayacaad waajibaad shaqo oo uu lahaa.

Hadaba laga bilaabo waqtigaa ilaa maant waxaa G/Maroodi jeex waxaa  soo waajahday ama haysata Gudoomiye Gobol la’aan taasi oo laf dhuun gashay ku noqotay maamulka madaxweyne Siilaanyo ka arimiyo oo ku fashilmay hogaaminta dalka iyo hamigii ay umada reer soomaaliland ka sugaysay . tusaale waxaa kuugu filan  musuqmaasuqa raagaadiyay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay .

Si kastaba ha ahaatee meeyeen Garabyadii , dabqaadayaashii iyo xubnihii ku jiray golaha xukuumada Siilaanyo ee ka soo jeeday gobolkan ee masiibada aqoon darada iyo degdega saameeyeen hormarkii iyo ka war hayntii deegaanada abaaruhu ku habsadeen , waxaan ba la yaabay wasiirka maaliyada oo dadkii ay abaaruhu saameeyeen ee ka bara kacay beerahoodii oo aan qaxoonti caalami ah wax ba dhaamin ugu qudbadeeyay waxaanay ka filayn oo ahayn  inuu wax taro mooyee inuu iyaga oo duruufo dhaaqale iyo mid abaareedba ay haystaan ugu han jabo cashuu qasab ah hadaladiisii waxa ka mid ahaa “waa inaad soo bixisaan cashuurta beeraha sanadka hadii kale la idin ganaaxi doono ilaa heer laydinkala wareego dhulka ay cashuurtu ku waajibtay”, taasi waxay muujinaysaa ama ku tusaysaa damiir la’aan masuuliyiinta xukuumda Siilaanyo , mar  hadii dadkii masiibada dabiiciga ahi saamaysay  lagu waajibayay cashuur aanay qaadi Karin inay bixiyaan  ma jirto wax ka xaaraatimaynaya wasiir samaale oo laga filaayaba waa in dadka dhintana uu wasiir samaale ku waajibiyo casuurta dhimashada( death tax) . allow u sahal umadan ku hoos dayacan masuuliyiin kitaabka quraanka ay ugu dhaarteen.

Bal qiimee muwaadin kaalimta uu gobolka maroodi jeex kaga jiro soomaaliland , shaki kuma jiro inay hargaysa ka muuqato uskag , khashin , iyo hormar la’aan xaga wadooyinka ah taasina waxaa ka masuula ah oo ugu talo galay xukuumada Siilaanyo ,

Taa waxaa ka sii daran oo meesha ka baxday ka warhayntii ama ogaanshiihii degmooyinka iyo deeganada hoos yimaada gobolka maroodi jeex oo runtii ay ka jiraan abaaro baahsan oo la mida abaaraha saamaynta ku yeeshay gobolada Awdal iyo Salal taasi oo ilaa hada aanay jirin cid ka hadashay dhibaatadaa haysata muwaadiniinta hoos yimaada G/Maroodijeex.

Dadku waxaa ay is waydiinayaa maxaa ku dhacay xiisiihii iyo orodkii iyo waliba aqoontii maamul ee ay ku faani jireen Siilaanyo iyo nimankii halganka siyaasigaa kula jiray ma waxaa uu ku danbeeyay waar yaa  “ bahasha harageedii nagaga celiya” si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in  ilaa hada aana la ogay waxa uu madaxwyne Siilaanyo  kaga mashquushay magacaabida Gudoomiyaha Gobolka maroodi jeex. Oo uu baahi wayn ay u qabto caasimada jamuuriyda soomaaliland , waxaan leeyahay nimankii ardaaga madaxwynaha fadhiyaya  bal ogaysiiya oo kor ugu sheeg madaxweyne Siilaanyo in gobolku bilaa gudoomiye yahay hadaanu ogayn ama horeba loogu sheegin

Midna waxaan leeyahay Faysal Cali wareebe oo in badan ku faanay waxaa u dhashay G/Maroodijeex , inaad mareegaha warbaahineed marinayso ‘waxaan doonaynaa inaan dawlada wanaagsan u dhisno koonfurta soomaaliya’ waxaa kaa mudan inaad ku dhiiri galiso madexweyne Siilaanyo sidii aad ula dhisi lahayd xukuumada dadka ka war haysa oo xor ah fadeexadah musuqmaasuq ee la ehelka noqday , iskuna day faysalow  inaad ka qayb qaadato hormarka gobolka aad ka soo jeedo.

Qalinkii: Sidiiq Jama Ibraahim