Xukuumadda oo Xabsiga dhigtay Siyaasiyiin ka tirsan Madasha Wada-tashiga oo dhaliilay Majaraha hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo

02Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ka talisa ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed-Silaanyo, ayaa gelinkii dame ee maanta Xabsiga dhigtay Mujaahid Iid Jiciir Aw Axmed oo ka tirsan Siyaasiyiinta xubnaha ka ah Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, waxaanu xadhiggiisu ka mid yahay cabbudhinta iyo tacaddiyada ay Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Siyaasiyiinta Mucaaridka ah iyo Saxaafadda Xorta ah ee dalka.

Ma jiro War Rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay sababta ay u xidhay Siyaasiga Iid Jiciir Aw Axmed iyo dembiga uu galay ee lagu xidhay toona, hase-yeeshee, Warar uu Aftahannews ka helay xadhiggiisa ay iftiiminayaan in lagu xidhay Qormooyin uu toddobaadyadii u dameeyey Warbaahinta ku faafiyey oo uu ku muujiyey Musuqmaasuq iyo dillaalnimada Xukuumadda Siilaanyo caadaysatay oo ahaa xogo rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka gubatay ka hadalkooda.

Iid Jiciir ayaa ilaa gelinkii dambe ku xidhnaa Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa,lamana garnayo ilaa haddda sababta rasmiga ah ee ay xukuumaddu xabsiga u dhigtay mujaahid Iid Jiciir .

“Waxaa noo suurtagashay in aanu wax ka ogaano sababta loo soo xidhay iyo cidda soo xidhay waxaanu noo xaqiijiyay in ay soo xidheen ciidamada Militarigu isla markaana ay si toos ah ugu soo xidheen saldhigga dhexe ee uu haatan ku xidhanyahay,”sidaasi waxa sheegay mid ka mida qoyska Iid oo warbaahinta qoraal soo gaadhsiiyay.

Dadka qaar ayaa xadhiga Iiid la xidhiidhinaya mid looga jawaabayo dhaliilo uu dhawaanahan u jeedinayay xukuumadda oo dhinacyo badan khuseeya, hase ahaatee wali ma cadda sababta rasmiga ah ee xadhiga masuulkan sababtay.

Saraakiisha dawladda oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino xadhigiisa ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, gaar kuwa ay khusayso arrintani ee daakhiliga.

Waxa uu noqonayaa xubintii ugu horaysay ee ka tirsan dalada siyaasaddeed ee MADASHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA la baxday, taasoo ay ku bahoobeen dad miisaan ku leh saaxada siyaasadda. Waxaanu sidoo kale ka mid ahaa Ururkii Xaqsoor ee doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ka qayb galay.

Sidoo kale, Ciidammada Booliska magaalada Hargeysa, ayaa isagana maanta xidhay Siyaasi kale oo lagu magacaabo Axmed-like, kaasoo Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa laga qabtay xilli ay socotay Dacwadda Wasiir Ku-xigeenkii hore ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cabdillaaih Abbokor Cismaan oo ka mid ah Xubnaha arrimaha Siyaasadeed ugu xidhnaa Xukuumadda Siilaanyo oo caadaysatay Cabbudhinta Saxaafadda, Siyaasiyiinta iyo Muwaaddiniinta Fikirkooda Cabbira.

SOMALILANDPOST.NET