Xukuumadda Oo Warbaahinta Ku Bogaadisay Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta  Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa dhammaan saxaafadda dalka ku bogaadisay sanad-guurad guurradda 15-aad ee  xuska maalinta Saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu  galabta ka soo baxay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu u dhignaa sidan:-

Cukuse

“Wasiirka  Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan Saxaafadda Somaliland oo uu ku bogaadinayo 15-guuradda ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafadda Somaliland.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu xuskaas awgii dhambaal hambalyo gaadhsiinayaa dhammaan noocyada kala duwan ee warbaahinta dalka oo uu  u rajeeyay  inay sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhaan horumar iyo waddaniyad. Waxaanu xusay in madax banaanida Saxaafadda Somaliland ay tahay mid aan la dafiri Karin oo Somaliland  ku kasbatay sumcad iyo sharaf aynu kaga duwan nahay inta badan  dalalka afrikaanka iyo dunida sadexaadba.”

Geesta kalena Wasiirka Warfaafintu waxa uu khudbad ka jeedin doonaa Sabtida beri munaasibada xuska maalinta Saxaafadda Somaliland, isagoo ka warami doona maraaxilkii kala duwanaa ee Saxaafadda dalku soo martay iyo kaalintii tognayd ee ay ka qaadatay  nabadeyntii iyo dib u dhiskii dalka 22 kii sanadood ee la soo dhaafay, maadaama oo uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii hormuudka u ahaa ee bilaabay Saaxafadda dalka.

Somalilandpost.net

Hargaysa