Xukuumadda oo Todobaad ka dib Ka hadashay Dilkii labada Sarkaal loo geystay, Shacabkana ugu baaqday in Qabyaalladda iyo Siyaasadda laga ilaaliyo Ciidanka Qaranka

Xukuumadda oo Todobaad ka dib Ka hadashay Dilkii labada Sarkaal loo geystay, Shacabkana ugu baaqday in Qabyaalladda iyo Siyaasadda laga ilaaliyo Ciidanka QarankaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa ka hadlay Shirqool dhawaan Askari ka tirsan Ciidanka Qaranku toogasho ku dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Milatariga Somaliland, kuwaas oo lagu dilay magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle.

Wasiirka Gaashaan-dhigga oo maanta warbaabinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay in ciidanka Ammaanka Somaliland oo kaashanaya waddamada Jaarka ah ay ku daba-jiraan soo-qabashada gacan-ku-dhiiglaha, waxaanu shacabka ugu baaqay in caadifadda qabyaaladda laga ilaaliyo Ciidanka Qaranka Somaliland isla markaana loo daayo shuruucda iyo qawaaniinta milatariga u yaala.

Wasiir Gaashaan-dhigga oo noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee muddo todobaad ah ka dib ka hadla ka Dilka saraakiisha oo dhacay Maalintii Arbaca ee todobaadkii hore oo taariikhdu ahayd 17-kii bishan, ayaa hadalkiisu ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii magaalada Gabiley uu ka dhacay Bannaan-bax ballaadhan oo shacabka magaaladaasi ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilka loo geystay mid ka mid ah saraakiisha oo deegaankaas ka soo jeeda iyo hadal la’aanta Xukuumadda.

Sidoo kale, hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay ka dib markii shalay iyo dorraad ay Axsaabta Siyaasadda iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashigu xukuumadda ku dhaliileen dilka loo geystay saraakiisha iyo dhagax-qabihii fuliyey oo aan gacanta lagu hayn.

Waxa kale oo madaxweynaha iyo  xukuumaddiisa lagu dhaliilay inaanay tacsi u dirin Saraakiisha Ciidanka Qaranka ka Geeriyootay iyo sababta loogu qaban waayey Aas Qaran maadaama ay yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Laba Sarkaal ee la dilay ayaa kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada oo maqnaa wakhtigaas, Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisa ahayd Kabtan, halka Marxuumka labaadna uu ahaa Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo derejadiisu ahayd Kabtan. Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ka tirsan Qaybta 31aad ee Milatariga Somaliland.

Labada Sarkaal ayaa wakhtiga dilka loo geystay ku sugnaa Saldhigga Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka oo ku taala duleedka magaalada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle. Labada Sarkaal ee la dilay, ayaa deegaan ahaan u dhashay gobollada Gabiley iyo Awdal.

Dhagar-qabaha dilka geystay oo lagu magacaabo Cabdiraaq Askar isla markaana u dhashay deegaanka Qorulugud, ayaa markii uu dilka geystay isla markii uu dilka geystay ka baxsaday goobta, ilaa imikana gacanta laguma dhigin, wallow ay ciidamada ammaanka ku dabo-jiraan soo-qabashadiisa.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net