Xukuumadda oo Soo Dhawaysay Xeerka Cabashada Dhaliyay ee Ajandaha Laga Saaray Gudoomiye Cirrona Eedaymo U Jeediyay

 

Hargeysa(SLpost)-Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa soo dhawaysay heshiiska dib loogu soo celiyay xildhibaanada galbeedka ee golaha ka xanaaqay isla markaasna ajandaha looga saaray xeerkii xildhibaanada lagu dooran lahaa.

wasiirka xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddoomiye Cirro golaha isku jiidi kariwaayay, waxaana isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi“khilaafkii golaha wakiilada si fiican ayuu u dhamaaday oo xildhibanaadii waa ay ka heshiiyeen, aad ayaan ugu mahadnaqayaa xildhibaanda gobalada Awdal iyo Seel sida fiican ee ay ugaga aadeen, markay kulmeen guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo ka raali galiyay waxii hore u dhacay, waxii gudahooda ka dhex dhacay ee aanu guddoomiye baarlamaanku u joojin ee aanu ahmiyad siin sidaas ayay ka xanaaqeen, guddoomiye xigeenka golaha ayaa ka raali galiyay oo golahii waa ay ku noqdeen, tan guudna waa cabasho qaran oo talo qaran laga gali doono.”

wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“waxay ahayd inuu guddoomiye Cirro sharafta qaato oo uu xaliyo cabashada xildhibaanada, markaas ma qaadan sharaftii qaatay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax.”