Xukuumadda oo sheegtay in la qabyaaladeedyey Masharuuca Biyo-ballaadhinta Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaadda Kheyraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa sheegay in Mashruuca Xumbo weyne oo qaybo badan oo Hargeysa ah lagu waraabin lahaa lagu furay tushuush ku salaysan Qabyaalad iyo Siyaasad.

Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Somaliland oo maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada, waxa uu sidoo kale faahfaahin dheeri ah ka bixiyay Qorshaha wasaaraddiisa ee la xidhiidha mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa.

Wasiirku waxa uu sheegay in Guud ahaan dalka sanadkii la soo dhaafay ay ku sameeyeen daraasad ay fuliyeen laba sahan oo loo diray inay Ceelasha dalka ee Bari ilaa galbeed ah soo hubiyaan sida ay u shaqaynayaan iyo inta wax qabta.

Wasiirku waxa uu ka waramay Mashaariic Hargeysa lagu biyo galinayay oo hortii la saxeexay balse aan ilaa hadda dhamaan kuwaasi oo uu tilmaamay in la siyaasadeeyay, balse waxa uu sheegay inuu haatan dhaw yahay dhamaystirka Qorshaha Mashruuca Xumbo-weyne.waxa uu sidoo kalena sheegay in Mashruuca Biyo Balaadhanti oo ay wado wakaaladda Biyaha Hargeysa oo kamadaxbannaanina wado ay hadda tahay arrin aan kharash la’aani hayn balse diyaar uu yahay.

HALKAN KA DAAWO