Murashax Jamaal Cali Xuseen si Adag u dhaliilay siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (SLpost)- Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda ku dhaliilay in aanay siyaasad cad ka lahayn wada hadaladii ay la furtay Somaliya.Sida oo kale waxa uu ku dhaliilay xukuumadda in meeqaamkii Somaliland ay ka joogtay beesha caalamku ay hoos uga dhacday sababo la xidhiidha wada hadalada Somaliya lala galay. jamaal-caliJamaal Cali Xuseen isaga oo arimhaas ka hadlaaya uu yidhi, “Waa ayaan daro in xukumadda KULMIYE ee imika jirtaa ay umaddi Somaliland ku qancisay anagana mucaarad ahaan nagu qancisay in wada hadaladan Somaliya la’la bilaabayaa  ay yihiin kuwo lagu kala baxaayo Somaliland iyo Somaliya, iyada oo markii horeba ay qalad ahayd istaraatijiyad ahaan sida wada hadaladaas loo galay, laakiin danta dalka anaga oo eegayna iyo ta beesha caalamkaba aanu aqbalnay, wali in aanay siyaasad cad xukuumadda jirtaa  arintaas ka lahayn, waa ayaan daro, wakhti ayaana ka soo wareegay xiligii wasiiru dawlaha Somaliya  uu yidhi waanu ka baxnay wada hadaladaas, imkana waata la sheegayo in baarlamaankii la hordhigayo. Dawlada Somalilandna waxaad moodaa meeqaamkii aynu caalamka ku lahayn inay hoos uga daadegtay, waxaad arkaysaa in saaxiibadii aynu ku lahayn beesha caalamku ay qaarkood u haystaan in aynu ka noqonay qaranimadii Somaliland, wax ictiraaf ah oo la raadinaya ama jirto, wasaarada arimaha dibadan waxaabad moodaa inay tii hore ka sii dartay oo ay imika culayskeedii uu noqday heshiisyada baayacmushtariga ah.” SOMALILANDPOST.NET