Xukuumadda oo shaacisay natiijada Baadhitaanka dhacdadii Foosha xumayd ee Seemaal iyo Magacyada Eedaysanayaasha

Gabiley, (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada eedaysanayaasha ka danbeeyay dilkii lagula kacay Sadex qof oo aan waxba galabsan ee ka dhacay deegaanka Seemaal iyo hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel bardaale isla markaana amar buuxa ku siiyay Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Boolisku sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedaysanayaashaas si sharciga loo hor keeno.

Wasiirka Arrimaha  Guduhu wuxuu hadalkan ka sheegay kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madax dhaqameedka Gobolka Gebilay.

Wasiirka Arrimaha  Gudaha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibada,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha , labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska, kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii loo soo qaban lahaa shakhsiyaad ku eedaysan dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka gobolka gebiley sidii ay kaalin muuqata uga gaysan lahaayeen in la soo qabto dhamaan eedaysanayaasha ku lugta leh dhacdadaas si cadaalada loo hor keeno waxaanu halkaasi ka xaadiriyay magacyada shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay Sadex qof oo aan waxba galabsan kaas oo ka dhacay deegaanka Seemaal kuwaas oo kala ah.

Magacayada eedaysanayaasha

1.   Jimcaale Yabaal Xirsi

2.   Shucayb Cismaan Xirsi

3.   Cismaan Cali Ducaale “Degle”

4.   Mukhtaar Maxamed Xuseen “Geney”

5.   Dayib Aadan Degel fadhi Af-yuub

6.   Yaasiin Axmed Quful

7.   Maqas Maxamed Maal

8.   Cabdi Cumar Xuseen iyo Odaygooda oo uu wasiirku ku sheegay

9.   Cawar Xareed

Sidoo kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu soo bandhigay Shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen dilka hal qof oo ka soo jeeda gobolka gebilay oo maalin kadib dhacdadii Seemaal la dilay.

Magacyada Eedaysanayaasha

1.    Muuse Qoor Gees

2.   Abiib Jaamac Seeraar

3.   Carab Faahiye Dhawal

4.   Ismaaciil C.laahi Buux

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxa uu amar buuxa ku siiyay labada taliye ciidan inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanayaasha loo haysto dilkaas foosha xun.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Dr.Maxamed C.laahi Cumar ayaa bulshada ku nool gobolka gebilay waxa uu hoga tusaaleeyay qiimaha nabadgalyada iyo sida ay waajibka u tahay in laga feejignaado wax kastoo dhaawacaya wada dhalashada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha  ah ee ku nool Gobolada Gebilay iyo Awdal.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka General Maxamed Xasan Jidhif oo balan ku qaaday inay u hawl galayaan gacan ku soo dhigista eedaysanayaashaas si sharciga loo horgeeyo, waxaa kale oo taliyuhu u soo jeediyay dadka ku nool deegaanada ay dilalkani ka dhaceen inaan lagu arki Karin cid hub sidata .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Saqadhi Dubad iyo madaxda heer gobol iyo mid degmo ee gebilay.

Weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu waxay markaas kadib u kicitimeen dhinaca gobolka awdal iyagoo haatan ku sugan magaalada Boorama.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net