Xukuumadda oo Qorshaynaysa Xakamaynta Tartanka Furan ee Shirkadaha Isgaadhsiinta dalka

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay tartanka iyo loolanka Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka, waxayna sheegtay in tartanku macaamiisha u fiican yahay, balse aanay raali ka ahayn tartan furan, isla-markaana ay xakamayn doonto, oo ay ka soo saari doonto shuruuc lagu xakamayo.

Xukuumaddu waxa kale oo ay sheegtay inay waddo qorshihii Shirkaduhu ku wada hadli lahaayeen oo Lambarrada ku wada xidhiidhi lahaayeen.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknooliyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inay Xukuumad ahaan wadaan qorshihii ay Somaliland ku yeelan lahayd koodh u gaar ah, kuna horumarin lahayd

Tiknooliyaddeeda, waxaanu ugu horeyn  “Tartanka Shirkadaha Isgaadhsiintu macaamisha ayuu u fiican yahay, laakiin haddana tartanku wuxuu u baahan yahay inuu yeesho shuruuc lagu xakameeyo, tartanka furana mar walba wuxuu u baahan yahay in la xakameeyo, imikana shuruucdoodii baanu ka shaqeeynaynaa, si uu tartankaasi u noqon lahaa tartan sax ah oo shuruucdii lagu maamulayey ayaanu hadda gacanta ku haynaa..”

Mar uu ka hadlayey qorshe ay wadaan oo ku saabsan Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo qaabkii ay ku wada hadli lahaayeen ayaa yidhi “Hadda Shirkadaha Isgaadhsiintu ma wada hadlaan, sidii loo hirgelin lahaa in la wada hadlaana waa daruuri, wada-hadalkiina wuu noo socdaa, waxaana jira Caqabado, kuwaasi oo aanu intii badnayd xalinay”.

Mar uu ka hadlayey qorshaha Wasaaradda ee dhinaca Internetka iyo Tiknooliyadda  ayaa wuxuu yidhi “Hawsha koodhku hadda noomay dhamaystirmin, laakiin gacanta ayaanu ku haynaa oo waxaanu rabnaa inaynu yeelano Koodh inoo gaar ah, dal ahaan, inkasta oo Ictiraafka uu wax badan inagaga xidhan yahay oo dhinaca Tiknooliyad ah, haddana intii karaankeena ah waynu dedalaaynaa oo waxaynu rabnaa inaynu horumar ballaadhan ka gaadhno Tiknooliyadda oo aynu Caalamka tusno inaynu nahay dal wax badan qabsaday”, sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net