Xukuumadda Oo Qorshaynaysa Inay Joojiso Magaca Ay Adeegsadaan Siyaasiyiinta Shirka Kulmiye Qaadacay Ee Isbahaysiga Kulmiyene

Hargeysa(SLpost) Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inay qorshaysay sidii siyaasiyiinta xukumadda iska casilay iyo taageerayaashooda ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye ay uga joojin lahayd magaca Kulmiye inay isticmaalaan.

Xogaha la xidhiidha qorshahan ayaa tilmaamaya in xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ka soo horjeedaan in isbahaysigu sii isticmaalo magaca Kulmiye.Xogo wargeyska Geeska Africa helay ayaa sheegaya in xukumaddu huteellada ku wargalin doonto inaanay isbahaysiga ka kirayn huteellada inta ay isticmaalayaan magaca Kulmiye, balse ay ku eekaan doonaan isbahaysiga, hase ahaatee wali arrintaasi kamay hadal siyaasiyiinta saluugay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye, lana magac baxay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo shalay la taliyaha arrimaha doorashooyinka ee madaxweyne Siilaanyo Maxamed Ibraahin Qabo, sheegay inaanay xukumadda ama xisbigeedu la hadlayn siyaasiyiinta isbahaystay. Isagoo u waramay wargeyska Warsugan wuxuu sheegay in aanay wada hadal la galayn siyaasiyiintaasi inta ay oohin dhammaysanayaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Siyaasiyiinta isbahaysiga oo si adag uga soo horjeeda musharaxnimada Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ayaa qabsada munaasibado mucaaradka xukumaddu soo camiro, iyadoo inta badan madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi lagu dhalliilo habkii ay u dhacday doorashadii musharaxiinta Kulmiye.

Xigasho Geeska Afrika