Xukuumadda Oo Muddaysay Wada-hadal Ay La Galayso Kooxda Khaatumo

Laascaanood (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa sheegtay inay wada hadal iyo waan-waan toos ah ay la galayaan kooxda la magac baxday Khaatumo ee ka dhisan bariga Somaliland,  dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxda Khaatumo ay ka aqbashay wada hadalkii, kaasi oo bilaabmi doona marka laga baxo bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Waxa aan balan qaadaynaa marka iidda laga baxo inaan wada hadal la furno qoladan walaaleheen ee Khaatumo inaan la hadalno oo gogol u dhigno sidii hore madaxwaynu balan qaaday ,iyaguna way naga balan qaadeen oo diyaar ayay u yihii” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland oo ka  hadlayay magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa dadwaynaha Reer Laascaanood ku booriyay inay si wayn uga qayb galaan qaadashada kaadhka muwaadinka ee is diwaangalintiisu ka socoto magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolada Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Maalin dhowayd tiro koobkii waxa lagu sheegay saddex boqol oo kun, waxaasina waa diwaangalintan aad ka cararaysaan, waxa aad iga balan qaadaan inaad diwaangalintaasi codaysaan”

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in wixii ka maqan gobolka Sool aanu ku iman karin qori ee nabad galyada la ilaaliyo isla markaan horumarka laga shaqeeyo.

“Saami qaybsigu qori ku iman maayo ,waxa uu ku imanayaa wada hadal iyo inagoo codkeena qaybsana,waxa aynu ku xisaabtamaynaa waa cod,nabad galyaduna waa mihiimn aynu kala baxno oo dadka qaar horumarka ha u gurmadaan”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.