Xukuumadda Oo Markii Ugu Horeysay Sheegtay Inay Go’aan Kasoo saarayso Hanaanka Sarifka Lacagaha

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday  in  todobaadkan  aynu  ku jirno  uu  baanka dhexe si rasmi ah u bilaabayo  jaangoynta  giimaha sarifka  lacagaha  ee suuqyadda  magaalooyinka dalka.Wasiirka ganacsiga

Tallaabadaasi oo noqonaysa in markii u horaysay mudadda ay jirtay Somaliland  baanka dhexe uu  gooyo qiimaha isku bedelka lacagaha qalaad,  halka  markii hore   qiimaha  sarifka suuqyadda   lacagaha ay   goyn jireen sarifleyaashu.

Sidaasina waxa  sheegay  Wasiirka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim oo wareysi siiyay Wargeyska DAWAN  isagoo ku sugan magaaladda Hargeysa. Waxa  sheegay Wasiirku in arrintaasi ay  ka dambaysay  heshiis ay wada gaadheen Wasaarada Ganacsiga iyo Baanka dhexe oo isku dhinac ah iyo masuuliyiinta xawaaladaha Somaliland ka hawlgala iyo sarifleyaasha  oo mudooyinkanba  wada lahaa   kulamo iyo shirar la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa  qiimo-dhaca ku yimid lacagta shillinka Somaliland.

Dr. Muuse Qaasim waxa uu tilmaamay  in baanka  dhexe  uu hawshaasi  bilaabayo 15-ka bishan aynu ku jirno, isla markaana  ay  heshiiska  arrintaasi wada gaadheen xukuumadda iyo  masuuliyiinta shirkadaha xawaaladaha iyo sarifleyaasha magaalooyinka waa weeyn ee dalka. Kadib markii ay arrintaasi ka wada shireen.

Isagoo ka waramayay halka uu marayo iyo sida uu u hirgalay qorshe la doonayay in lagu joojiyo isticmaalka lacagaha qalaad gaar ahaana doolarka iyo kulamo ay magaalooyinka Berbera iyo Burco kula yeesheen xawaaladaha iyo sarifleyaasha, waxa uu yidhi  “Hawshaasi  waanu  wadnaa,  oo waanagii aniga iyo guddoomiyaha   baanku Burco tagnay,  iyo Berbera-ba, oo  waanu  isku marnay.  Sarifleyaasha iyo masuuliyiinta xawaaladaha ayaanu la shirnay aad baanay ugu riyaaqeen qorshahaasi, waxaanay balanqaadeen inay lacagta shillinka Somaliland isticmaalayaan, doolarkana ay jabinayaan”.

Wasiirka Ganacsigu, waxa uu xusay in u jeedadda laga lahaa shirarkii ay la yeesheen masuuliyiinta shirka xawaaladaha lacagaha iyo  sarifleyaasha  uu ahaa mid la doonayay in wax lagaga qabto joojinta doolarka, si lacagta dalku ay qiimo u yeelato.

Waxaanu sheegay in qorshe  uu dhawaan baanka dhexe soo saaray  oo ahaa in dadka dibadaha lacagta looga soo diro ay 30% ku bixiyaan Kaasha ama shillinka Somaliland uu yahay mid la doonayo in lagu xakameeyo isticmaalka doolarka.

“Muhiimadda kulamadaasi laga leeyahay waa in marka hore la isla qaato waxay tahay in halka Innan yar oo sarifle ah uu qiimaha doolarka ka goynayo, in baanka dhexe uu gooyo qiimaha  sarifka doolarka taasina waxaanu ku heshiinay in baanka dhexe uu si rasmi ah u bilaabo 15-ka  (shan iyo tobanka) bishan aynu ku jirno. oo wixii markaa ka danbeeya  baanka dhexe uu gooyo qiimaha sarifka doolarka. Waananu isla ogolaanay shirkadaha xawaaladaha iyo sarifleyaashaba qorshahaasi.  iyaguna waxay yidhaahdeen waa in lacagaha dadka loo soo dirayo 30% ay shillinka Somaliland ku siiyaan” ayuu yidhi Dr. Muuse.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Marka xawaaladaha, sarifleyaasha iyo ganacsatadu ay kaa hor xoogaystaan,  mar keliya lama wada joojin karo, hase yeeshee waa in tartiib-tartiib loo qabto 30% in kaash laga dhigo waa halka laga bilaabayo, laakiin sare ayaa  loo sii socon doonaa.Mida labaad qofkii waa in uu lacagtii loo soo diray waa in aanu hubinaa adeegyadii bulshadda oo dhan inuu ku wada helayo shillinka Somaliand in laga qaadayo oo wax lagaga iibinayo”.

Wasiirka oo la waydiiyay in wax isbedel ahi uu ku yimid qiimaha maciishadda  ka dib markii adeegyada Zaad iyo E-dahab loo bedelay shillinka Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Marka hore wax waliba waxa uu u baahan in sida ugu suurtogalsan ee wax lagag qaban karo loo raaco, wax isku sheegid ayuun baanu imika wadnay bisha 15-keeda ayaanu bilaabi doonaa  dabogalkeeda, waana in waxani la dabogalo sida ay u suurtoobayaan iyo waxa ka hirgalay markaa midho-dhalkeedu wuxu ku xidhan yahay hadba sida aanu u daba galno”.

Dr. Muuse Qaasim waxa uu tilmaamay in tallaabooyinkani la doonayo in meesha lagga saaro isticmaalka lacagaha qalaad uu yahay qorshe suurtogalinaya inuu jabo  ama aanu kor u kac ku iman qiimaaha  maciishadda oo inta badan qaaliyooba  marka la gaadho bisha Ramadaan oo fooda inagu soo haysa.

“Kor u kaca maciishadu waxay ku xidhan tahay, sicir-bararka iyo doolarka qaaliyoobay laakiin haddii uu hoos u dego sarifka doolarku maciishaduna way degaysaa, calaamado fiicana way ka muuqdaan imika inuu dego qiimaha raashinku” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Dhinaca kale mar Wasiirka oo——– aanu waydiinay sababta  ilaa  hadda  aanu u  suurtogelin  xeerka kala xadaynta ganacsiga, waxa uu yidhi  “Weli waanu ku dhex jirnaa, oo iyada maanaan bilaabin, hawshani sarifka ayaa naga soo dhexgashay, wixii Ramadaanta ka danbeeya  ayaanu xoogga saraynaa”.

Xigasho: DAWAN