Xukuumadda oo Macaaradka ku eedaysay Masuuliyadda Muddaharaadka Khasaaraha Nafeed Sababay ee Gabiley ka dhacay iyo Jawaabta Xisbiyadu ka bixiyeen

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ku eedeesay Masuuliyadda Muddaharaad xooggan oo shalay gilgilay magaalada Gabiley, isla markaana sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ay Xukuumaddu sheegtay inay si buuxda abaabulka iyo kicinta dadweynaha Muddaharaadayey uga qayb-qaateen, Siyaasiyiin, Masuuliyiin iyo Xildhibaanno Xisbiyada Mucaaradka ah ka tirsan.

Hase-yeeshee, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa gaashaanka ku dhuftay jiritaanka eedaymahaas, iyagoo ku dooday inay tahay borobagaando ay Xukuumaddu doonayso inay ceebaha ka soo food-saaray qaabka ay Shacabka Muddaharaadayey u waajahaday ku doonayso inay kula soo galgalato, kuna xajiimayso Xisbiyada Mucaaradka ah.

mucaaradGuddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) oo isaguu ku sugan magaalada Gabiley uu Weriye Cabdifataax I. Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo waraysi gaar ah kula yeeshay Khadka Taleefanka, ayaa sheegay in Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin Xildhibaanno ku jiraan oo ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ay si cad uga qayb-qaateen kicinta iyo abaabulka dadweynaha reer Gabiley ee Muddaharaadka Jimcihii shalay sameeyey, kaasoo sababay dhimashada ilmo yar oo Hooyadii dhabarka ku sidday iyo dhaawaca siddeed qof sida uu Guddoomiye Mustafe-Shiine u xaqiijiyey Wargeyska Himilo. Waxaanay siddeedda qof isugu jiraan saddex Askari oo Shacabku dhagaxan ku dhaawacay iyo shan qof oo shacab ah.

Mustafe-Shiine oo aan sii weydiiyey waxay ahaayeen Siyaasiyiintaasi waxa uu ku jawaabay; “Waa Siyaasiyiin la garanayo, dabcan waa Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah oo dadka kacdoon iyo kala kaxayn ku dhex-abuuraya, waanan ognahay dadkaas, Kamaradihii baa la hayaa la duubay, tallaabada ku habboonna waan ka qaadaynaa insha ALLAAH oo Sharciga ayaannu la tiigsanaynaa. Mucaaradkana waxaan leeyahay halla tartamo oo doorashada hallagu tartamo, laakiin yaan nabadgelyo-darro iyo in dadka la kiciyo oo dhibaato la sameeyo cod lagu doonin iyo taageero, taasi waa siyaasad-xumo, wax wanaag ah oo ay soo kordhinayso oo aan dhibaato ahaynina ma jirto ee ka waantooba ayaan ku leeyahay Xisbiyada Mucaaradka ah arrintaas. Tan maantana (kicinta uu sheegay Badhasaabku ee shalay) kaga hadhi mayno Siyaasiyiinta waday ee ka dambeeyey.”

Mar uu Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe-shiine ka jawaabeyey su’aan laga sii weydiiyey waxa uu ku caddaynayo Siyaasiyiinta uu sheegay inay Xisbiyada Mucaaradka ah ka tirsan yihiin iyo in kale maaddaama oo ay dadku marka horeba ka gedoodsanaayeen Sarkaalka deegaanka u dhashay ee lagu dilay Qori-lugud ee ninkii dilayna uu baxsaday, waxa uu yidhi; “Arrintan Sarkaalka la dilay waa arrin Qaranka oo dhan u taalla, waa arrin wax ka qabashadeedu Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u taallo, maaha arrin Qabiil iyo Cid gaar ah u taalla, maaha arrin Xisbiyo u taalla, laakiin marka uu Guddoomiyihii guud ee Xisbigu Xukuumadda talada haysa ku eedaynayo ee uu leeyahay dayac Xukuumadda dhankeeda ka yimi baa Sarkaalkaas lagu dilay ee uu leeyahay waa in Madaxweynuhu wax ka qabtaa, kuwo gobollada u joogana waad garan kartaa doorkooda.”

Mustafe-Shiine oo jawaabta uu su’aashaas ka bixiyey sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaanan ku caddaynayaa inay Siyaasiyiinta kicinta iyo abaabulka waday ay Xisbiyada Mucaaradka ah ka tirsan yihiin, Cajaladihii iyo Muuqaalladii la duubay baa la hayaa, Xildhibaanno Xisbiyada Mucaaradka ah ka tirsan baa ku jiray, Siyaasiyiiin iyo Masuuliyiin Mucaaradka ka tirsan baa ku jira, waana wax cad kagamana hadhi doonto dawladdu ee tallaabo cad bay ka qaadi doontaa. Waayo Qaran dhishan oo dawlad ah baynu nahay oo dimuqraaddi ah, maaha in dadka qabyaalad lagu dhex-abuuro oo la kala fogeeyo, oo nabadgelyadooda wax khalkhal-gelinaya lagu abuuro ama lagu dhiirrigeliyo inay ku kacaan, cidda sidaas doonaysana dawladdu uma dul-qaadan doonto. Ciidanka Qarankana u kala abtirinta, reeraynta iyo qabyaaladda hallaga daayo baan leeyahay.”

Haddaba, bal si aynu dhinaca kale ee Xisbiyada Mucaaradka ah eedayntaas loo jeediyey waxa ka jira wax uga ogaanno, waxa Waraysiyo arrintan la xidhiidha Wargeyska Himilo la yeeshay Masuuliyiin ka kala tirsan Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID. Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey waxa ka jira inay Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ka tirsani ka qayb-qaateen kicinta iyo abaabulka dadweynaha reer Gabiley ee Muddaharaaday Jimcihii shalay, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in arrintaas lagu eedeeyo, Cid labada Xisbi Mucaarad ka tirsan oo ka qayb-qaadatay-na aanay jirin.

“Aad iyo aad baannu uga xunnahay in Badhasaabku yidhaado Mucaaradka ayaa ka dambeeyey, waa masuuliyad-darro ay XUkuumaddu ku kacday, waxa muddaharaadku ka dhashay Saraakiisha lagu dilay qori-lugud, oo aanay Xukuumaddu ka hadal, oo aanay ciddii dilka geysatay u qaban oo aanay xataa Tacsi u dirin Xukuumaddu qoysaskii ay Saraakiishaasi ka baxeen. Muddaharaadka Dastuurka ayaa u fasaxaya Shacabka oo u oggol inay muddaharaad salmi ah (nabadgelyo ah) sameeyaan oo ku muujiyaan cabashadooda iyo dareenkooda in xabbad lagala hor-tagaa waa Masuuliyad-darro ay Xukuumaddu muujisay ee yaanay ceebeheeda kula soo galgalan Mucaaradka ayaannu leenahay.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee WADDANI,

Waxaanu intaas ku sii daray Xoghaye Uur-cadde oo uu yidhi; “Annagu Xisbiga WADDANI ahaan cid aannu abaabulnay iyo muddaharaad aannu abaabulnay midna ma jiro, sabab aannu u abaabulno dadweynaha reer Gabileyna ma jirto, cid abaabushayna ma jirto dad geeriyeeyeysan oo dadkoodi dhintay oo dareenkooda cabbiraya ayay ahaayeen, Dastuurkaana u oggol inay dareenkooda cabbiraan, in Mucaarad lagu eedeeyaana meesha ma taallo, dad dadkoodii oo dhintay maxaa ciddii dishay loogu qaban waaye leh-na maaha in Xabbad lagala hor-tago oo khasaare ka badan kii ay ka cabanayeen si badheedh ah loo gaadhsiiyey wax meesha qabta oo la filayey maaha, waana wax aannu ka xunnahay.”

“Waxan ay waddo Xukuumadduna waa wixii laga diiday Taliskii SIyaad Barre ee Millateriga ahaa car juuq dhe iyo ha hadlin, tan maantana laga yeeli maayo Keli-talisnimo iyo Car juuqdhe iyo qori caaradii oo bulshada lagu cabbudhiyo. Waxaanannu Tacsi u diraynaa qoyska ilmaha yari ka dhintay, qoysaskii hore ee Saraakiisha la dilay ka dhinteen, Ciidammada Qaranka, guud ahaan Qaranka Somaliland iyo qoyska ilmaha yari maanta muddaharaadka kaga dhintay, waxaannu Allaah uga baryeynaa Shacabka dhaawacmay inuu Caafimaad deg-deg ah siiyo oo Allaah u malmaliyo.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Sidoo kale, Musharraxa u taagan Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaannu isagana dhinaca Xisbigooda wax ka weydiinnay eedayntaas, waxaanu yidhi; “Waxaasi waa Borobagaande ay Xukuumaddu ku dembabasayso tala-xumaanta dalka ka dhacday ee ay ku wajahday Saraakiisha la laayey iyo dadka Muddaharaadka cabashada Gabiley ka sameeyey ee ka xumaa dilka dadkooda, iyadoo aan Xukuumaddu Mustawihii ay lahaayeen Saraakiil Qaran oo la dilay ama dhintay aanay siinnin oo aan ka hadal, inay haddana maanta dadkii dadkooda la dilay ee ciddii dishayna baxsatay ee aanay qaban Rasaas nool kala hor-tagto wax qurux badan maaha ee waa fool-xumo iyo wax laga xumaado.”

“Xisbiyada Mucaaradka ahna in dadka shacabka ah xabbad lala dhaco dani uguma jirto, kicintoodana dani uguma jirto ee mid ay keentay masuuliyad-darrada Xukuumaddu samaysay, waanan ka tacsiyadaynaynaa dhibkaasi shacabka reer Gabiley.” Sidaa ayuu iydhi Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo Khadka Taleefanka uu eeddaas wax kaga weydiiyey Wargeyska Himilo.

Waxaanu Cabdirashiid Xasan Mataan oo la weydiiyey in Guddoomiyaha Gobolka Gabiley sheegay inay hayaan Caddaymo muujinaya Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah oo kicin iyo abaabulka Muddaharaadka ku jira iyo siday ula socdaan Masuuliyiintooda heer gobol iyo degmo ee Gabiley u qaabbilsan, waxa uu yidhi; “Anigu Gabiley maan joogin markii waxani ka dhacayeen maanta (shalay), laakiin, ilama ah in Masuuliyiin ama Siyaasiyiin Xisbiyada Mucaaradka ah ka tirsani inay arrintaas ku kaceen amaba ku kici karaan, laakiin waxaad ka waraysan kartaan Xafiisyada Xisbiyada ee Gabiley.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa iyaguna Tacsi u diray qosaska ay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ka tirsan ee la dilay ka baxeen, guud ahaan Qaranka iyo qoyska ilmaha yari kaga dhintay Muddaharaadka shalay Gabiley ka dhacay oo ay sheegeen inay aad uga xun yihiin, iyagoo sidoo kalena Allaah caafimaad uga beryey dadka ku dhaawacmay Muddaharaadkaas oo ay Xukuumadda aad ugu canaanteen qaabka ay u waajahday.

XIGASHO: Wargeyska Himilo