Xukuumadda oo ku guulaysatay Soo Af-jaridda Khilaafkii ka aloosnaa Ugaaska Beelaha Samaroon

Borame, (SLpost) – Weftigii ka socday xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey hawl shaqo ku joogay xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa ku guulaystay inay so oaf-jaraan khilaafkii dhinaca dhaqanka ee ka dhex aloosnaa beelaha Samaroon oo salka ku hayay Ugaasnimada Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, kaas ay si weyn ugu kala qeybsanaayeen madaxda dhaqanku.

Shir balaadhan oo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo weftigiisii ay Khamiistii  la yeesheen 36 xubnood oo laga soo kala xulay sadexda beelood ee Samaroon  oo isugu jiray salaadiinta, waxgaradka iyo cuqaasha beelaha waxay si weyn ugu gorfeeyeen sidii loo soo afjari lahaa khilaafkii ka taagnaa Ugaaska. Waxaanay isku raaceen in dhawaan si wada jir ah loo qabto shirweyne lagaga hadlo arrinta ugaaska isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo caleemo saari lahaa Ugaaskaasi. Waxa kale oo la isku raacay inaan wax khilaaf keeni kara cidina la iman.

Weftiga xukuumaddu waxay shalay Huteelka Rays qado sharaf ballaadhan ugu sameeyeen ergadii heshiska gaadhay iyo Ugaas C/Rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in la dhamaystiray khilaafaadkii dhinaca dhaqanka ee ka dhashay arrinta Ugaaska,

“Kulankeenani wuxuu ahaa kulankii iyo heshiiskii Khamiistii daba joogay waxaynu ku kala tagnay wanaag waxay ahayd maanta wanaagii aynu habeenimadii Jimcihii ku kala tagnay inaynu maanta ummada u baahino, laakiin meel kasta oo wanaag jiro  jin baa ku dhex jiro jinkiibaa maanta inaga yara faa’iidaystay ee ALLE ha inaga qabto,waa inaynu muujinaa wanaaga iyo midnimada walaalnimadiina,laakiin wanaagga,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

Wasiirku waxa uu raali gelin ka bixiyay qoraal ku qornaa xaashidii marti qaadka xafladaasi oo ay xubno ka mid ah waxgaradkii beeluhu sas ka muujiyeen isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Intan yar ee meesha xun laga ursaday ee shaydaanku ka faa’iidaystay ee uu Xoghayaha dawlada Hoose ee Boorame qoray inanku waa wasaaradayda oo anigaa raali gelin iyo xaal ka bixiyay. Casuumadani waxay ka dhalatay oo Madaxweyne  Ku Xigeenku u fidiyay  wacgaradkii sadexda beelood ee Khamiistii heshiiyay ayuu gartay in marti qaadkan loo sameeyo waxa kale oo la marti qaaday Ugaaska iyo cida la socota. Nin wanaag doonaya warqad kuma turan turoodo. Waxaan idin leeyahay inanka qoray waa wasaaradayda ee haddii khaladba ku jiray anigaa xaal ka bixiyay”

Wasiirku waxa uu sheegay in heshiiskani uu guul  u yahay reer Awdal oo dhan balse aanu ahayn mid cid gaar ah u dananaya, waxaanu yidhi “Heshiiskani guul buu inoo wada ahaa reer awdal oo dhan-na guul buu y yahay. Waxa guulaystay ninkii lahaa tallada dhulka ha la dhigo oo ha la wada tashado, waxa guulaystay ninkii Ugaaska waday ee Ugaas samaroon ka dhigayay. Waxa guulaysatay xukuumadii oo danaynaysay in la soo afjaro oo faqna ku sheegtay fagaarahana ka sheegaysa  xalinta arrintaasi kala qeybsanaantiinuna dantayada ma aha.”

 “Siyaasada xukuumaddu waa midnimo wanaag ragga beelaha kala kaxaynayaa ma aha siyaasadii xukuumadda, waxaan leeyahay anigoo idin bogaadinaya Suldaan Ibraahim Jaamac  Samatar Iyo Suldaan C/Raxmaan Jaamac Dhawal waxaan leeyahay go’aankii aad qaadateen ee lagu heshiiyay sideedii u qaata. Waxa kale oo aan leeyahay ragga Suldaan Saleebaan u horeeyo ee tallada dhulka dhigay waxaanleeyahay sidii lagu heshiiyay arrinta u daaya,”ayuu yidhi Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur).

Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumaddu heshkaasi ay markhaati ka tahay cidii fulin weydana aanay raali ka noqon doonin, waxaanu yidhi “Anagu  heshiiskan  markhaati ayaanu ka nahay intaasi wixii ka duwan cidii la timaadaa iyadaa khaladka keentay.anagu xukuumad baanu nahay cidii nabadgelyada wax u dhimaysa talladayadu way ka baydhaysaa.”

Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud  Xaashi Cabdi oo ka hadlay xafladaasi ayaa beelaha Gobolka Awdal uga mahad celiyay heshiiskan ay gaadheen waxaanu  ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacbiga gobolkaasi oo dhan isla markaana uu farxad iyo guul u yahay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ee gobolkooda ka soo jeeda.

“Waa inaad guushii aad gaadheen aynu ku ALLE barino hadal kalena ma jiro. Umadda Gobolka Awdal waxay caan ku yihiin xadaarad iyo aqoon fac weyn oo taariikhdu xusi doonto, gobolkani wuxuu ahaa halkii Somaliland looga gurmanayay marka Somaliland inteeda kale khilaaf ka dhaco, waxaan leeyahay waxaad naga furateen hawl. Anaguna Xukuumadiinii ayaanu nahay ee salaadiin iyo odayaal idiin may iman dawladuna ammaanka ay masuul ka tahay waxaana aanu idiinku nimid sidii aanu wax idiinla hagaajin lahayn,”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray, “Waxaan idin leeyahay  wixii aad isla qaadateen ee wanaag ahaa yaanay waxba ka imanin. Anagana hawl ayaad naga furateen inaanu idin muquunino, idinkuna magaciinii iyo qiimahiinii ayaad badbaadiseen. Madaxweyne Ku xigeenkii qaranka Somaliland oo gobolka ka soo jeedayna maamuuskiisii iyo sharafkiisiina waad ilaaliseen.”

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net