Xukuumadda oo Kaalmo Ciyi Waa-ka-baryey ah gaadhsiisay Dadkii ku dhaawacmay Rabshadihii natiijada codbixinta Hargeysa ka dhashay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), Guddoomiye ku-xigeenka labad ee Golaha Wakiillada Cali iyo Taliyaha Ciidanka Bilayska  Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa Cusbitaalka Edna ku booqday dadkii ku dhaawacmay rabshadihii todobaadkan ka dhacay Degmada Axmed Dhagax, waxaanay maamulka cusbitaalka ku wareejiyeen qaddar lacageed oo dhan 13 Milyan ShSL oo ay ugu talo-galeen daawooyinka bukaan-jiifka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka warramay mowqifka ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay iska horimaadyadii khasaaraha ka sababay, ayaa booqashada ay ugu tageen bukaanka ku sheegay dareen ka tarjumaya sida ay uga xun yihiin dhibaatada dhacday. “waxaanu soo booqanay, aniga iyo guddoomiyaha saddexaad ee Golaha Wakiiladda iyo taliyaha ciidanka boolisku dadkii dhaawacu gaadhay oo ilaa sagaal qof ah.Runtii waxaanu muujinaynay in aanu ka xun nahay dhaawaca iyo dhibaatadda gaadhay labadda dhinac-ba haddii ay tahay ciidan wixii gaadhay iyo shacab wixii gaadhayba, labaduba waa dadkii aanu masuuliyada u haynay,” ayuu yidhi Wasiirka oo warbaahinta ugu warramay gudaha Cusbitaalka Edna, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Marka sida ay wax u dhaceen waanu ka xun nahay, waxayna muujinaysa dhibaato kasta iyo shaqaaqo kasta oo la kiciyaa inay tahay kuugu dhimay oo ka dhimay oo aanay cidna dan u ahayn, marka in aanu xannuunka la qaybsanno soo eegno ee daawooyinka wixii aanu ka bixin karayno aanu ka bixinno.”

duurWasiirka oo ka hadlaya kaalmada ay u fidiyeen bukaanka ciidamada amnigu dhaawacyada kala geddisan u geysteen, ayaa yidhi, “Wixii aanu kaalmo ugu talo-galay ee daawooyinka ahna waanu ku wareejinay, waanan soo booqanay oo waxaanu muujinaynay in aanu la waddaagno xannuunka iyo dhibaatadda dadkaa haystaa, waanan ka xun nahay oo runtii waa waxaanu ka digayno mustaqbalka inay inagu dhacdo.

Wasiirku waxa uu soo jeediyey shacabka inay ka taxaddaraan dhacdooyinka noocan oo kale ah, “Askarigu wuxuu ilaalinayaa sharcigga qofka masuulka ahna waa kaynu masuuliyada u haynay inay cid waliba ka taxadirto isku dhaca kan oo kale ahi aanu dib inoo soo marin, kan iyo kuwii ka horeeyeyna ay cashar inoo noqdaan.”

Jawaabka Xukuumaddu ka bixisay khasaarihii ka dhashay isku-dhacyadii dhexmaray ciidamada Ammaanka iyo dhalinyaradii ka gadoodday natiijadii doorashada deegaanka, ayaa u muuqata mid wakhtigeedii ka daahday, iyada oo booqashada Xubnahan dawladda ka socday ku tageen cusbitaalka ay dhaawacyadu yaallaana ku soo beegmayso maalin ka dib markii madaxweyne Siilaanyo markii u horreysay todobaad ka dib markii ay rabshahaasi dhaceen, uu shacabka ka tacsiyeeyay dhibaatada ka dhalatay mudaharaadyadaas.

Cabdiwahaab Guuleed

Somalilandpost

Hargeysa Office