Xukuumadda oo ka Jawaab Celisay kalsooni-darro Dawladda Ingiriisku ka Muujiyey Ammaanka Somaliland

cukuseHargaysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaab celiyey dhawaaq dawladda Ingiriisku muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somaliland iyo Somaliya, waxaanay wax laga xumaado ku tilmaantay inay dawladdaasi isbar-bar dhigto heerka ammaanka ee labada waddan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa dawladda Ingiriisku ugu baaqay inay kala saarto isla markaana aanay isku qaldin Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Somaliland ay ka jirto nabadgalyo buuxda, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn in dawladda Ingiriisku ku qaladdo dhibaatooyinka ammaan-daro ee ka jira Soomaaliya.

“Dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kaleba waxaanu doonaynaa inaanu u caddayno annagu waxaanu joognaa dalkayagii oo xor ah oo nabad ah, nidaamkuna yahay kaa kala dambaynta ah, nidaamkaa uu sharcigu sarreeyo uu yahay, dalkayagu maaha mid fowdo ka jirto. Somaliland waa meeshaa ILAAHAY ka sakow uu qofka nabadgalyada ku nool yahay oo dawladnimana ka jirto,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu, waxaanu intaas ku daray, “Ingiriiska iyo dawladaha kale waxaanu ugu baaqaynaa in aanay xaqiiqda Somaliland ka jirta indhaha ka qarsan oo aanay barbar dhigin Soomaaliya,”ayuu yidhi Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ayaa dhowr jeer ooh ore soo saartay digniino ay muwaadiniinta ku wargelinayso inaanay u safrin dalkaasi Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, arrintaas oo sababtay in xukuumadda Somaliland dawladda Ingiriiska u dirto wefti heer wasiir ah oo arrintan wada-xaajood kala yeesha masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanay  xukuumaddu markii dambe sheegtay inay dawladda Ingiriisku ku qanciyeen inay dib u eegaan isla markaana wax-ka-beddel ku sameeyeen go’aankoodaas,  balse dhawaaqan dambe ayaa daboolka ka qaadaya inaanu jirin wax isbeddel ah oo ka muuqda go’aankii hore ee dalkaasi ku qiimeeyey heerka nabad-gelyada ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET