Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shaqaalaha Ajaanibka Ah Ee Dalka Ka Qabta Shaqooyinkii Muwaadiniinta

(SL.Post) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, ayaa ka hadlay shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, iyo shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ku soo badanaya, waxaanu sheegay inay wax ka qaban doonaan, oo ay dib u eegi doonaan, isla markaana muhiimada kowaad ay siin doonaan Shaqaalaha dalka u dhashay.

hq720

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye oo Wargeyska Geeska Afrika  oo aanu warkan ka soo xiganay u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay kaadh qaadashada ka bilaamatay qaar ka mid ah Gobolada Somaliland iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya shaqaalaha ajaanibka ee dalka ku soo badanaya, “Waa dhab in shaqo la’aani dalka ka jirto, balse madaama aynu nahay dal aan wali aqoonsi helin, wixii tamarteena ah weynu dadaalnaa, waxaana xaqiiqo ah in Xukuumaddu mar walba awooda saarto sidii shaqo abuur u sameeyn lahayd, shaqo la’aantana u yarayn lahayd, markaas waxaanu awooda saari doonaa sidii aanu muhiimada iyo ahmiyada kowaad la siiyo Shaqaalaha muwaadiniinta ah, oo shaqo ay qaban karaan Muwaadiniinta reer Somaliland, kama shaqeeyn doonaan Shaqaale ajaanib ah, arintaasna qorshe ayaanu ka leenahay.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mar uu ka hadlaayey kaadh qaadashada ayaa yidhi “Kaadhkii lagu galaayey Doorashada, wuxuu ka bilaamay Gobolada Awdal iyo Saaxil, markaas waxaan dadka farayaa oo aan ku baraarujinayaa inay qaatan kaadhadhka, si ay ugu coddeeyaan”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa dhinaca kale wuxuu ka hadlay abaaraha wali dalka ka jira, waxaanu sheegay in Xukuumaddu wali dadaalkii gurmadka wado, dadkana looga baahan yahay inay is caawiyaan, waxna isku qabtaan.

Somalilandpost.net.