Xukuumadda oo ka hadashay Qorshe Dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhig Milatari kaga samaysanayso Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay codsi dawladda Imaaraadka Carabtu ku dalbatay inay Saldhig Milatari ka samaysato Garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, kaas oo sida ay sheegeen xarun u noqon doona Saldhig Milatari oo dalkaasi ku yeesho mandaqadda Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Faratoon oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa si kooban u sheegay inaanay jirin go’aan xukuumaddu ka soo saartay arrintan, balse ay fulinayaan tallaabo kasta oo danta qaranka inay dani ugu jirto ay u arkaan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN