Xukuumadda oo Hay’adaha Caalamiga ah iyo Ururrada isugu keentay Kulan lagu soo Bandhigayo Shuruucda Shaqada Hay’adaha S

Dr Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Wasaradaha Qorsheynta Qaranka Dr sacad Cali Shire iyo Hawlaha Guud iyo Guryeynta Md Axmed cabdi xaabsade oo uu wehelinayey agaasimaha guud wasaaradda Qorsheynta Md Cabdirashiid Axmed Guuleed, ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay shir hal maalin soconaya oo lagu soo bandhigayo habka iyo sharciyada saameeya shaqada hay’adaha samafalka ee dalka ku sugan.

Shirkan oo ka furmay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan iyo ururada wadaniga ah ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta, aqoonyahano madaxbanaan iyo dad ka socday ururada bulshada.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta qaranka iyo Horumarinta Dr sacad Cali shire oo kulankaasi ka hadlay ayaa wada shaqaynta ay Somaliland la leedahay hay’adaha caalamiga ah ku tilmaamay arrin muhiim u ah qarankan maadaama ay ka buuxiyaan kaalin muhiim ah oo dhinaca iskaashiga ah.

Md Sacad waxa uu ku dhawaaqay in sanadka cusub wasaarad ahaan ay qaban doonaan munaasabad balaadhan oo ay ku abaal marin doonto hay’adaha sida wanaagsan ula shaqeeya dawladda iyo shacabka Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET