Xukuumadda Oo Go’aamadii Mucaaridka Ku Tilmaantay In ay Baal-Mareen Dastuurka iyo Shuruucda Dalka

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumadda ayaa jawaab ka bixisay  go’aamadii bayaankii ay ka soo saareen shirkoodii xisbiyadda mucaaridka ahaa oo sheegay inay caalamka ugu baaqayaan inay soo dhex galaan khilaafka ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka.Wasiirka xanaanadda xoolaha

Wasiirka  wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda ee Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali,  oo  xalay qoraal kooban  oo uu arrintaasi kaga hadlay ku baahiyay  bogiisa  uu  ku leeyahay  barta xidhiidhka bulshadda ee Face-book-ga.

Wasiirku waxa uu ku dooday   in go’aamadii ay asxaabta  mucaaridku soo saareen ay lidi ku yihiin qaranimadda Somaliland.waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Go’aanka axsaabta mucaaridku soo saareen  wuxuu ku lidi yahay go’aankii maxkamadda dastuuriga ah. Waayo hay’adaha caalamigu ma aha gole sharci ee waa caawiyeyaal.

Waxaan akhriyay go’aamaddii  ka soo baxay Shirkii xisbiyadda.  Marka  laga tago qodobbada Toro-rogta u badan iyo qoddobka afraad oo ah mid ay axsaabtu ku xad-gubtay qodob Dustuuri ah. Waxaanu isla oggolayn sida heshiiska Ku qoran :

  1. In la ixtiraamo go’aankii Guurtida
  2. In axsaabtu Ka heshiiyeen wakhtiga Doorashadda.

Haddaba Madaxweynuhu Wuxuu Ku dhawaaqay in waxaynu Ku heshiinay laga ansixiyo golaha Baarlamaanka (GUURTIDA), halka ay axsaabtu qoddobka shirkooda shalay uu Nuxurku ahaa waa arrinkii aan Ku heshiinay aan dawlado kale u bandhigno. Ma aha mid suurto-gal ah, wax-tar ah, oo sharciga waafaqsan”.