Xukuumadda oo faahfaahisay tirada dad ku geeriyooday Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Roob mahiigaan ah oo muddo ku dhow 3 saacadood ka da’ayey magaalada Hargeysa laga bilaabo gelinkii dambe ee maanta ilaa fiidnimadii caawa, ayaa sababay khasaare isugu jira naf iyo maalba. 

 

Inta la ogyahay Shan qof ayaa ku jeeriyooday 9 qof oo kale waa laga baad-baadiyey roob mahiigaan ah oo ka da’ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana la sheegay in marxuumiinta geeriyooday qaarkood ay u dhinteen Korontada ku xidhnayd gurigooda oo shoodh ka kacay iyo qaar ku waxyeelloobay xadhkaha korontada ee jidadka iyo xaafadaha dhexmara.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Booliska Somaliland iyo Maayarka Caasimadda oo saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaare ka dhashay roobka.