Xukuumadda oo Dhiirri-gelisay Doorka isku-xidhnaanta Culimada iyo Madax-dhaqameedku ka qaadan karaan Ammaanka Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa maanta soo gabo gabeeyay kulan Laga Hadlayay Xoojinta Xidhiidhka Madax dhaqameedka iyo Culimada.

Aqoon isweydaarsigan oo mudo laba cisho ah socday waxaana lagu gorfeeyay doorka Madax dhaqameedku ka qaadan karaan xalinta khilaafaadka ku yimaada Bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa sharaxaad ka bixiyay waajibaadka balaadhan ee ay madax dhaqameedku u xil saaran yihiin iyo sida ay u haboon tahay in xidhiidh joogto ah ay wada yeeshaan,Wasiirka Arrimaha Guduhu Waxa uu ku booriyay cuqaashii kulankaasi ka qayb gashay in Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay wada shaqayn muglihi ka dhaxayso ay kala qayb qaataan hawlaha nabadgalyada taabanaya .

Waxaa kale oo Madashaasi ka hadlay Wasiirka Cusub ee Wasaarada Dibu dejinta Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) oo ku guubaabiyay Cuqaashii iyo Madax dhaqameedkii kulankaasi ka qayb galay inay ahmiyada kowaad ka dhigtaan xalinta wixii khilaaf ah ee soo kala dhex gala Shacbiga Somaliland ee Gobolada dalka ku kala nool iyo sidii ay uga shaqayn lahaayeen wax kastoo isu soo dhawaynaya ummadooda.

SomalilandPost 

contact@somalilandpost.net