Xukuumadda Oo Dhaqaale U Adeegsanaysa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Si Ay U Ansixiyaan Heshiiska Dekeda Berbera

Hargeysa  (SL.Post) Iyadoo shalay guddida Xukuumadda uga wakiilka ah heshiiska lala galay shirkada DP World   (Dubai Port  World) ay Golaha Wakiillada horkeeneen nuqul ka mid ah heshiiskaasi, ayaa  waxa soo baxaya xogo sheegaya in xalay Madaxtooyada looga yeedhay tiro Xildhibaano ah, kuwaas oo lagula gargortamay in dhaqaale lagu siiyo sidii ay u ansixin lahaayeen heshiiskan DP World ee Dekeda Berbera.

GOLAHA WAKIILLADA

 

 

 

 

 

 

 

Ilo-xogogaal ay ayaa sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi  Cabdi uu soo jeediyay in dhaqale loo adeegsado ansixinta heshiiskan  si ay mudanayaashu cod aqlabiyad ugu ogolaadan, balse waxa jira Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada oo dedaal ugu jira sidii loo celin lahaa heshiiskan.

 

 

 

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xukuumaddu dedaal ugu jirto in Xildhibaanada kale ee diidan ansixinta heshiiskan ay u meel-marin lahaayeen heshiiskan DP World ee Marsada Berbera.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa