Xukuumadda Oo Dariiq Diblamaasiyadeed Oo Ka Duwan Somaliya U Martay Danaheeda Maraykanka

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland D.r Sacad Cali  Shire,  ayaa sheegay inay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumadda Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, isla markaana u ololaynayso sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo dhoweyn.

Qoraal Wasiir Dr. Sacad u diray Xukuumadda Maraykanka, isla markaana lagaga hadlayey sida Somaliland u aragto amarka xanibaadaha socdaalka Maraykanka ee dib u eegista lagu sameeyey ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayso amarka labaad ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, waxaana lagu bilaabay:

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay si dhow indhaha ugu hayaan amarkii xukuumada Maraykanku ugu xanibtay u socdaalida dalkeeda, isla markaana, u ololaynaysa sidii muwaadiniinteeda hawlaha shaqo, waxbarasho, dalxiis ugu socda u heli lahaayeen soo-dhoweyn, maadama dalkayagu madaxbanaanidiisi dib ugala soo noqday Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad ayaa qoraalkan ku sheegay in  kastoo  xukuumada Somaliland hore dareenkeeda amarka xayiraadaha socdaalka ugu gudbisay bishii January 21-keedii, ay soo dhoweynaynaa dib u eegista lagu sameeyey amarka, ee loogu ogolaaday muwaadiniinta reer Somaliland ee hore u haystay deganaanshaha rasmiga ee Maraykanka, ama hore ugu socdaalay inay tegi karaan.

“Si kasta, maadama, Somaliland & Maraykanka ay horumariyaan dannaha ay wadaagaan ee amaanka iyo kuwa dhaqaale, siyaasadaha socdaal ee la xidhiidha Soomaaliya, waa inaan lagu dabakhin muwaadiniinta u dhashay Somaliland.

“Muddada sagaashanka maalmood ee dib u eegista lagu samayn doono amarka xayiraadaha, waxay xukuumada Somaliland u caddaynaysaa Maraykanka saamaynta ay muwaadiniinteeda ku keentay, kuna dedaalaynaa in la helo talaabooyin ay kaga badbaadaan muwaadiniinteenu amarada dambe mustaqbalka.”

Ugu dambayn qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaa lagu sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay balaadhinta iskaashiga ay wadaagaan Maraykanka, waxaanu yidhi,

“Somaliland waxay caddaynaysaa doonisteeda in la balaadhiyo iskaashiga aan wadaagno, isla markaana dalbanaynaysaa aqoonsi rasmi ah oo Maraykanku siiyo Somaliland.

Qoraalkan xukuumada Somaliland la wadaagtay dalka Maraykanka, ee la xidhiidha saamaynta amarada xayiraadahu ku yeelan karaan muwaadiniinteeda, ayaa noqonaya mid loo raacay nidaamka dublamaasiyadeed ee  wadammadu u wada xidhiidhaan, isla markaana si weyn uga duwan qoraal Madaxweynaha Soomaaliya kaga jawaabay amarka Maraykanka.

 

Somalilandpost.net