Xukuumadda Oo Beenisay Inay Ciidamo U Dirayso Sucuudiga

Hargeysa, (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), ayaa sheegay in Xukuumaddu aanay Ciidamo u dirayn dalka Sucuudiga, waxaanu tilmaamay in warkaasi yahay mid xaqiiqada ka fog.

Axmed Kayse oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu mucaaridka ku booriyay inaanay faafin warar ay bulshadda ku marin habaabinayaan.

“Haddii aanu nahay wasaaradda arrimaha dibada iyo Xukuumadda Somaliland-ba in aanay waxba ka jirin, warkaa maanta (shalay) waxaanu halkan uga caddaynaynaa inaanay jirin Ciidan la qorayo oo Sucuudiga la geynayo ama dagaal kale loo wado, taasna waxaanu leenahay waxba kama jiraan, Nimanka caadaystay beenta odhan maayo masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka qaarkood ayaa waxay soo cel-celiyaan in Ciidamo la qorayo oo Sucuudiga la geynayo.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Kayse.

Wasiir Ku xigeenku  waxa uu intaas ku daray “Waxaanu Ummadda reer Somaliland u caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin oo warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo aanu jecel nahay in aanu ku boorrino xisbiyada mucaaridka masuuliyiintooda qaarkood inay ka waantoobaan waxaan jirin ee ay dalka ka fidinayaan.”