Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo sheegtay inaanay Raalli ka ahayn Qaabkii loo maamulay Shir-weynihii Xisbiga Kulmiye

London (SLpost)- Xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa garownshiiyo ka bixisay inaanay habboonayn qaabkii loo xulay ergooyinka Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye shirweynihiisii saddexaad ee bishii hore ku qabsoomay magaalada Hargeysa.

Cukuse55Waxa kale oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka hadashay sababaha mar kasta masuuliyiinta xukuumadda ku jirta loogu adeegsado inay u jawaabaan shakhsiyaadka ay isku beelaha yihiiin ee inta badan dhaliilaha siyaasadda iyo hoggaaminta xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xilligan ku sugan dalka Ingiiriska, ayaa mar uu maanta u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu sheegay inaanay xukuumad jeclaysan qaabkii beelaha loogu saleeyay ergooyinkii ka qayb-galay shirweynihii saddexaad ee xisbiga Kulmiye, balse waxa uu ku sababeeyey inay ka mid tahay raadadka weli jira ee qabyaalladdu ku leedahay dhismaha iyo wax-wada-wadaagga nidaamka dawladeed.

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey arrintan, waxa uu yidhi, “Waa run, qabyaaladdu saamayn bay ku lahayd ergooyinkii la xulayay, maaha wax aanu annaguba jeclaysanayno, maaha dariiq wanaagsan oo aanu leenahay waa lagu waarayaa, inteeda badanna kuma ay dhisnayd, waxay ahayd inay gobollada iyo qurbejoogga iyo siyaabo badan oo ay ku iman karayeen, way jirtaa taasi marag baanan kaaga ahay, mana aha wax wanaagsan oo waaraya, laakiin raadadka iyo waxyaabaha ay qabyaaladdu innagaga tagtay ayuunbay ka mid tahay.”

Waxa kale oo Wasiir Cukuse la weydiiyey waxyaabaha kelliga dhaqannada Xukuumadda uu ka tirsan yahay u isticmaasho iska difaacista dhaliilaha mucaaradku u jeediyaan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Inay isku beegmaan baa laga yaabaa marka kasta in qofkii hadlaba qof reerkooda ah loo doono oo uu ka jawaabo, cidina iskuma hawsho, mana filayo inay wax jira tahay, laakiin way dhici kartaa inay laba isku reer ahi isku jawaabaan marar fara badan, marka qofku dareemayo ee uu ka damqanayo ayaana laga yaabaa inay u-fiirsashadaasi timaaddo,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa sababta wasiirrada xukuumaddu ugu jawaabaan shakhsiyaadka ay isku beesha yihiin ee dhaliilaha u jeediya Xukuumadda.

 

SOMALILANDPOST.NET