Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Dib-u-qiimeynaysa Laba Wershadood oo hore loo Xayiray

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dib-u-qiimeynaysa go’aan hore loogu xayiray laba wershadood oo saara Bacaha kuwaas oo xaruntoodu tahay magaalada Hargeysa.

 

Laba wershadood oo ay hore ugu xayiray Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo go’aan ka soo saaray soo saarista iyo soo-dejinta Balaastiga oo la mabnuucay, waxa maanta kormeer ku tagay Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Deegaanka, Ganacsiga & Wershada iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo indho-indhayn ku sameeyey soona kormeeray Xarumaha Wershadda ee magaalada Hargeysa.

 

Kormeerka kaddib, waxa saxaafadda la hadlay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo sheegay inay dib-u-qiimeyn ku samaynayaan Wershadaha iyadoo la tixgelinayo Maalgeshiga ay muwaadiniintu ku sameeyeen.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net