“Xukuumadda Maanta Jirtaa waxay go’aansatay Hargeysa inay wada iibiso siday u dhammaystiran tahay. Ma Aqbalayno, Hargeysa dhulkeeda lama iibin karo”

Sheekh-Aadan-SiiroHargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo si weyn looga yaqaano, ayaa ka dayriyey boob iyo ku-takri-fal lagu hayo dhulka bannaan ee caasimadda oo masuuliyadeedda uu ku eedeeyey Xukuumadda Xisbiga Kulmiye.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay shakhsiyaad gaar ah oo dano siyaasadeed ay ka leedahay ka iibinayso dhulka bannaan ee Caasimadda iyada oo u maraysa Golaha deegaanka ee Hargeysa oo hoggaankiisu ka soo jeedo Xisbiga Kulmiye, waxaanu shacabka Hargeysa cod-dheer ugu jeediyey inay feejignaan dheeri ka yeeshaan xukuumadda talada haya oo uu ku tilmaamay inay u tafo-xaydatay xaraashka dhulka bannaan ee ku yaala darafyada magaalada.

Sheekha oo maanta Khudbad u jeedinayey dadweyne Salaaddii Ciidal-Fidriga ku tukanayey Garoonka Xawaadle ee Xaafadda 26-ka June, waxa uu ku gooddiyey in aanay shacabka Caasimaddu cidna ka yeeli doonin xaraashidda iyo iibka dhulka bannaan ee caasimadda.

Isaga oo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Afartan sannadood dadkii wax akhriyey baan ka mid ahay, aqooni meeshay doontaba ha idhigtee, waxaan doonayaa idinka inaan idinla taliyo, naftayda la taliyo. Maaha inaan idiin sheego waxaad jeceshihiin, laakiin waa inaan idiin sheego waxa dani idinku jirto. Waxaan ka hadlayaa arrinta Dhulka. Xukuumadda Maanta Jirtaa waxay go’aansatay Hargeysa inay wada iibiso siday u dhammaystiran tahay. Ma Aqbalayno, Hargeysa dhulkeeda lama iibin karo, awood kasta oo uu ninku leeyahay ma iibin karo; Suldaan baan iibin karin, Madaxweynaan iibin karin, Wasiir baan iibin karin, Wadaadbaan iibin karin, Qabiilbaan Iibin karin. Inta maanta joogtaa (shacabka Hargeysa) waa Milyan iyo saddex boqol oo kun (1,300,000). Illaa Qiyaamaha Inanka Dhalan doona, ayaa dhulka Hargeysa wax ku leh, kaasaa talo laga weydiinayaa.”

Waxa uu Sheekhu talooyin iyo tusaale u jeediyey Cid kasta oo isku-dayda inay ku-takri-fasho Dhulka iyo dadka danaynaya inay iibsadaan oo uu uga digay lacagtoodu inaanay kaga khasaarin, waxaanu yidhi, “Waar waxaan leeyahay dhulka Hargeysa hala ilaaliyo, waar intii hadhay ee Xukuumaddii aynu la dagaalanney ka tagtay oo ahayd Labaatan Kiiloomitir oo Isku-wareega (20KM2). Waxa iman doono dhakhtarro waaweyn, waxa iman doono Jaamacado waaweyn, waxa iman doono Shirkado badan; intaasiba dhulbay u baahanayaan, ma bidaartiina ayaydun dejintaan kuwaasi. Dhulka Hargeysa lama iibin karo, waxaanu leenahay ninka ku riyoonayow waar ka daa, waxaanu leenahay kuwa iibsanayow, waa laysugu iman doonaa oo la yeeli maayo lacagtaada iska hayso. Waxa Iman doona Xukuumad Caqli, Cilmi iyo Xikmad ku shaqayn doonta oo la xisaabtami doonta wixii umadda ka dhexeeyay.”

“Suurto-gal maaha, la yeeli maayo, la aqbali maayo in dhulka dad gaar ah la siiyo, koox gaar ah ay qaadato, dhulkaasi wuxuu ka dhexeeyaa dadka oo dhann. Ilaa Toon-baa la qorsheeyey, Ilaa Haleeyaa la qorsheeyey, Illaa Abaarsaa la qorsheeyey, ilaa Illintaa la qorsheeyey,” ayuu hadalkiisa Raaciyey.

Sheekhu waxa uu farta ku fiiqay Kooxo ku shuraakoobay boobka Hantida Umadda, kuwaas oo uu sheegay qaarkood inay ka tirsan yihiin Xukuumadda.

“Dhib badan-baa dhulkii ka taagan, waxa inoo heshiisay Koox Maamulka ku jirta, Kooxbaa inoo heshiisay Ganacsato ah, Kooxbaa inoo heshiisay wadaaddo ah, Kooxbaa inoo heshiisay cumaamado waaweyn sita, Kooxbaa inoo heshiisay Landlords la yidhaahdo oo Qiime u samaysatay (Dhulka) oo dadka baadha, waar kooxdaas la dagaalama,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

SOMALILANDPOST.NET