Xukuumadda iyo Ururrada Bulshada Somaliland oo Shirkii ugu horreeyey Noocisa kaga Arrinsansaday Qaabka looga faa’idaysan karo Kheyraadka dalka

Hargeysa (SLpost)- Daladda ay ku midaysan yihiin Ururrada Rayidka Somaliland ee SONSAF, ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan lagu falan-qeeyey qaababka looga faa’idaysan karo Kheyraadka dalka, gaar ahaan shidaalka iyo Macdanta, iyada oo shirkani noqonayo kii ugu horeeyey noociisa ee lagu qabto dalka.

uRURRADAShirkan oo xukumadda iyo Ururrada bulshada Rayidka ahi ku wadaagayaan xogahaya iyo macluumaadka ku saabsan qaababka ugu habboon ee looga faa’idaysan karo kheyraadka dalka si looga taxaddaro caqabado ka hor yimaadda oo maanta ka dhacay Hargeysa, waxa ka qayb-galay wasiirrada Arrimaha Gudaha, Macdanta iyo Tamarta, Agaasimaha Dalladda SONSAF iyo xubno kale oo ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Ugu horeyn, waxa kulanka furay isla markaana ujeedooyinka laga leeyahay sharraxay, Agaasimaha Daladda SONSAF Maxamed Axmed Barwaani oo sheegay in muhiimadda kulanku tahay sidii wada-tashi iyo xog-is-dhaafsi dhexmara ururrada Bulshada iyo Xukuumaddu uga yeelan lahaayeen qaababka ugu habboon ee kheyraadka dalka looga faa’idaysan karo.

HALKAN KA DAAWO