Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka Gabiley oo Xal ka gaadhay Shaqaaqo ka dhacday magaaladaas (DAAWO)

Gabiley (SLpost)- Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo gelinkii dambe ee Isniinta u tegay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley deminta Xiisado siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo ka taagnaa magaaladaas maalimihii u dambeeyey, ayaa shirar saacado badan socday oo ay la lahaayeen Madaxda Dhaqanka, Wax-garadka iyo Odayaasha magaaladaas saacado dambe oo caawa ah ku guulaystay inay is-faham gaadhaan.

IMG_0487Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ugu horreyn Warbaahinta la hadlay caawa saacado dambe abbaaro labadii habeennimo markay ku siqaysay saacadda Afrikada Bari, ayaa wuxu sheegay in shirarka galabta illaa caawa u socday Masuuliyiinta Xukuumadda ka socota iyo Odayaasha Dhaqanka Reer Gabiley aakhirkii ay xal fiican isla gaadheen labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka mid ahaa Wasiirrada Gabiley u tegay xal u helidda khilaafka iyo kacdoonka ka taagnaa dilka laba Sarkaal oo habeenkii Arbacadii Askari Ciidanka ka tirsanaa ku dilay Tuulada Qori-lugud, ka dibna uu baxsaday iyo muddaharaad ay arrintaas ku diiddan yihiin reer Gabiley oo ay Jimcihii sameeyeen, isla markaana ay dawladdu Ciidan Hubaysan ka hor-geysay, sababayna dhimashada ilmo-yar iyo dhaawaaca 13 kale, ayaa isaguna sheegay inay ka xun yihiin Xukuumad ahaan waxa dhacay iyo sida cadawgu uga faa’iidaystay, balse uu ku faraxsan yahay inay xal ka gaadheen wax kasta oo jiray.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Wasiirrada Deegaankaas u dhashay ka mid ah ee galabta meesha tegay, ayaa isaguna sheegay in farxad tahay in dadka reer Gabiley Madaxdooda Dhaqanka iyo Xukuumadda oo ay iyagu metelayaan iyagoo ka tiiraanyeysan dilka hore, shaqaaqada Muddaharaadka ka dhalatay iyo Maxbuus isku dayey inuu Ciidanka ka baxsado gelinkii hore ee ISniinta oo ka dibna rasaas ay ku fureen ku dhintay ay haddana heshiis buuxa iyo is-afgarad ku gaadheen inay wada-jir wax u wadaan oo aanu cadawga Somaliland arrimo kale iyo dano siyaasadeed uga faa’iidaysan xiisadahaas oo la soo afjaray sida uu xusay Samaale.