Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo bogaadiyey Muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa soo dhaweeyey Muddo Kordhinta labada Sanno ah ee Golaha Guurtida maanta u sameeyey labada hay’adood oo muddo-xileedkoodu ku egyahay bisha lixaad ee sannadkan, waxaanay ku bogaadiyeen guurtida Go’aankaas oo ay ku tilmameen mid geesinimo xambaarsan.

Fadhi ay maanta yeesheen Golaha Guurtida, ayaa lagu ansixiyey in xukuumadda talada haysa iyo golaha wakiillada muddo-xileedkooda loogu daro muddo dhan hal sanno iyo 10 bilood oo ka bilaabmaya bisha todobaad ee sannadkan ilaa bisha Afraad ee sannadka 2017-ka, waxaanay Guurtidu meesha ka saareen muddo hal sanno ah oo Guddiga Doorashooyinka Qaranku u qabteen inay ku qabsoomayso doorashooyinka, go’aankaas oo ay ku tilmaameen mid sharciga doorashooyinka dalka ka horimanaya.

XILDHIBAAHaseyeeshee, waxa muddo-kordhinta ka soo horjeestay oo Qaaddacay Guddoomiyeyaasha labada xisbi Mucaarad oo go’aanka guurtida ku sifeeyey mid waxyeello u geysanaya sumcadda Somaliland iyo xidhiidhka ka dhexeeya beesha caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, sheegay inay xukuumad ahaan soo dhaweynayaan muddo-kordhinta loo sameeyey, isla markaana Golaha Guurtidu xaq u leeyahay go’aan  ka gaadhista khilaaf kasta oo laysku qabto.

Sidoo kale, mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga Kulmiye, ayaa go’aanka Guurtida soo dhaweeyey.

HALKAN KA DAAWO WASIIR CUKUSE

HALKAN KA DAAWO XILDHIBAANNADA