Xukuumadda Iyo Axsaabta Mucaaradka Ah Oo Gaadhay Heshiis Hordhac Ah

Hargeysa, (SLpost)- Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland ayaa maanta uu u furmay wada-hadal ku wajahan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta xukuumadda iyo golaha wakiilada.Xisbiyada

Wada hadaladan oo gogoshooday ay hore xukuumaddu ugu baaqday ayaa waxay dhex marayaan xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE oo matalaya xukuumadda, waxaanu furitaankii shirkaas guddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.

Waxaa ergada dhinacyada kala hogaaminayay, Muuse Biixi Cabdi oo matalaya xisbiga talada haya,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, iyo Gudoomiyaha   xisbiyada mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Ugu horeyn Madaxweyne ku-xigeenka oo furay oo shirkaas ayaa waxa uu yidhi.  “Waxaanu maanta halkan isugu nimi shirkii aanu ku ballanay ee aanu ku baaqnay haddaanu nahay xukuumadda oo ahaa in saddexda xisbi qaran ay ka wada hadlaan, kana wada-tashadaan hawshii muddo kordhinta ee guurtidu ay samaysay.”

Ka dhawr saacadood oo ay soconayeen wada-hadallo ay al-baabbadu u xidhnaayeen ayaa guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa saxaafadda u sheegay inay isku af-garteen ajandaha wada-hadalka, waxaanu xisbi weliba muddo laba maalmood ah uu yeelan doonaa wada-tashi u gaar ah, iyadoo wareeg kale la iskugu soo noqon doono maalinta sabtida ee todobaadka dambe.

Ugu horeyn Muuse oo ka hadlaya natiijada shirkaasi waxa uu yidhi: “Maanta sidii aad ka war qabteen waxaanu galnay shirkii saddexda xisbi qaran ay kaga wada-hadlayeen arrinta dibu dhaca doorashooyinka, kaasoo uu guddoominayay madaxweyne ku-xigeenku, maanta bilaw buu ahaa shirku markaanu arrimihii isla eegnay, waxaanu ku heshiinay ajandihii shirka iyo sidaanu u guda gali lahayn, anagoo si walaaltinimo ah oo niyad-sami ah, waxaanu ku heshiinay in ajandaha shirku uu noqdo in arrintaa qolaba meel iska taagtay ee dibu dhaca doorashooyinka aanu u helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan oo ku heshiiyaan.”

Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa isna waxa uu yidhi. “Sidaad ka war qabteen maanta waxaanu nimi gogoshii ay xukuumaddu dhigtay, markii aanu isu nimi waxaanu ka doodnay waxa laga wada-hadlayo, waxaanu noqday khilaafka ka dhashay go’aanka muddo kordhinta ee golaha guurtida Somaliland, axsaabtu meelo kala duwan ayay joogeen, laakiin waxaanu isla garanay in xal siyaasi ah la raadiyo.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isna waxa ka mid ahaa hadalladiisii.

“Waxaad ogtihiin haddaanu UCID nahay labadan xisbi ee kale waa loo kordhiyay, waanay daafacayeen mawqifkoodii. Sidaa darteed waxaanu garanay inaynu xal doono.”

Somalilandpost.net