Xukuumadda Biixi oo Eedaymo Kulul u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah, Siyaasiyiinta Madasha & Madaxda Dhaqanka Oo Hoggaaminteeda dhaliilay

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa eedaymo kulul u jeedisay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah, Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Madaxda Dhaqanka ee Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Qorshaynta iyo Xannaanada Xoolaha Somaliland oo ka qaybgalay munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa ka hadlay xaaladda wakhtigan la marayo, iyagoo duray Xisbiyada, Madasha Wada-tashiga iyo Odayaasha Dhaqanka.

Masuuliyiintan Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo dhalliilaha Xukuumadda loo jeedinayo iyo siday Xukuumaddu ula dhaqmayso Mucaaradka oo Masuuliyiini ka xidhan yihiin, waxay ka difaaceen eedaymaha iyo dhalliilaha loo jeediyo iyo mawqifka Waddani iyo UCID ku diideen Guddiga doorashada ee cusub xubno Madaxweynuhu ku daray iyo muddo-kordhinta Golaha Wakiillada Guurtidu u sameeyeen iyo qodobbo kale.

WARKAN OO FAAHAFAHSAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE