Xukuumadan Ciraayaha Gobolada Qaban Kari Weyday Doorasho Xor oo Xalaal ah Ma Lagu Aamini Karaa

Ciyaaryahandii u kala safnaa gobolada u gudbay raaca dambe ee ciyaaraha gobolda ee lagu qaban lahaa caasimada hargeysa ayaa la sheegayaa inay ay dowladu u wargalisay inay isaga laabtaan goboladii ay markii horeba ka yimaadeen mar hadii aanay qaban karayan wareega labaad ee ciyaaraha kagana mashquushay tartanka beeleysan ee xisbiga qabyalaayada iyo kala dirka Kulmiye

Waxa kaloo laysla dhex marayaa in ciyaaryahanada gobolada bari lagu yeeshay lacago farobadan oo ay ku lahaadeen mulkiilayaasha hudheelada hurdada iyo cuntada magaalada hargeysa ku yaal halka qaarkoodna ay lacagahaas ka bixin jireen raxan wasiiro oo dhawaan iska wada casilay dowlada fashilantay ee Kulmiye nasiib darro dowladan jilicsan ee Siilaanyo ayaan iyadu qaban tartanka ciyaaraha dhawr sanadood haatana dhawr jeer oo hore dib u dhac ku yimi

Hadaba muwaadin ma kula tahay dowlad ku sheegan aynu arkayno qaabkan xun ee ay u maamuli kari wayday ciyaaro kooban ma kula tahay inay maamuli karayso doorashooyin xor oo xalaal ah tusaale ahaana hadaynu soo qaadano doorashada qudha ee ay xukuumada Siilaanyo ama Kulmiye maamusho oo ahayd tii golayaasha deegaanka iyo ururadii xisbiyada u gudbay taas oo noqotay doorasho dhiig iyo muran badan keentay aakhirkiina rag iyo dumar cadaalad waayay u yaaceen xamar sida raiisal wasaare ku xigeenka dowlada muqdisho Maxamed Cumar Carte Qaalib oo isagu urur watay halka taageerayaashii ururkii Xaqsoor iyaga dhagta dhiiga loo daray

Doorkan uu madax ka yahay komishinka nin isagu aan si wanaagsan waxba u maamuli aqoon shirkadii dhismaha guryaha ee uu lahaana kacday maamul xumadiisa awgeed ahna shakhsi ku suntan boob iyo eexaysi ma qaban karo doorasho xalaal ah waayo gudoomiyaha komishanka doorashooyinku Cabdiqaadir Iimaan dhex ma noqon karo oo waa dhinaca madaxtooyada

Daahir Sancaani <dsancaani88@gmail.com