Xukuumada waan ku bogaadinayaa talaabooyinka ay kor ugu qaadayso isticmaalka shilinkeena.

Shalay ayey ahayd markii ay si wada jira ugu dhawaaqeen madaxweyne ku xigeenka dalka iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga somaliland in xukuumada iyo ganacsatada dalku ay isla meel dhigeen sidii loo kor loogu qaadi lahaa isticmaalka shilinka somaliland,

Lacagta qalaaad ee dallka soo gasha gaar ahaan dollar ayaa baryihii u danbeeyey aad mooday inuu meesha kasii saarayey isticmaalka shilinkeena, waxaanay saamayn wayn ku yeelatay taasi dhamaaan dallka. Maalmo ka hor ayuu madaxweynaha somaliland kulan balaadhan oo uu isugu yeedhay dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee xukuumada waxa uu ku amray in laga wada shaqeeyo kor u qaadida isticmaalka lacagta dalkeena.

Kulanka kaa kii xigayna waxa uu madaxweynuhu la yeeshay inta badan ganacsatada dallka taas oo lagawada arinsanayey kor u qaadidad qiimaha lacagteena, iyo sidii meesha looga saari lahaa dhibaatada ay lacagta qalaad ku hayso lacagteena.

Kulamadan muhiimka ah ee is xig xigay ayaa door muhiima waxa ay ka ciyaareen in lagu guulaysto hoos u dhiga qiimaha sarifka lacagta qalaad oo markii hore aad u sareeyey, sarifka lacagta qalaad markii hore 1 dollar waxa uu ahaa 7800 shilinka somaliland ah, hallka imika laga dhigay 6000 shilinka somaliland,.

Khudbad sanadeedkii madaxweynaha ayuu madaxweynuhu ku balan qaaday in qiimaha sarifka lacagta qalaad ay gaadhiin doonaan halka maanta la gaadhsiiyey, waa valn uu hor madaxweynuhu ugu qaaday shacabka, fulinta balankaasna waa uu ka soo baxay

Hambalyo iyo amaan ayey xukuumada iyo madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mud,axmed maxamed maxmuud siilaanyo mudan yihiin in badan.

Inkasta oo ay tahay hawlaha loo igmaday hadan waan ku bogaadinayaa dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadida lacagta shilinka somaliland.

W/Q: xamse maxamed  

xaajixamse7@gmail.com