Xukuumada Somaliland waxay Abaal Taariikhi ah u Gashay Budhcad Badeeda iyo Qoysaskooda

Saddex maalmood ka hor ayay ii suutro gashay inaan la kulmo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland mudane Xasan Axmed Aadan oo hawlo shaqo ugu sugnaa dalkan Britain, salaan iyo is waraysi ka dib waxaan markiiba la holladay su’aal marar badan ku soo noqnoqta dadweynaha reer Somaliland iyo kuwa Soomaaliyeedba oo la xidhiidha sababta ay Xukuumada Somaliland u ogolaatay inay xabsiyada dalkeeda ku soo xidho budhcad badeeda dambiilayaasha ah ee ku xidhan wadamada shisheeye, maxayse tahay sababta budhcad badeed aan Somaliland badaheeda dambi ku galin ay xukuumadu uga ogolaatay aduunyada in Xabsiyada Somaliland la keeno ? Waa maxay danta Somaliland ugu jirta inay Jeelasheeda ku hayso dambiilayaal khatar ah oo laga soo waariday duni kale?

Xeer Ilaaliye Mudane Xasan oo si faahfaahsan arrimahan iiga jawaabay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa;

” Markaanu aragnay dhibaatada adag ee Xabsiyada wadamada shisheeye ku haysta, ee aanu  eegnay codsiyada nooga yimi budhcad badeeda iyo qoysaskooda, ee aanu eegnay damiirkayaga Islaamnimo iyo kan Somalilandnimo ayaanu binu-aadamino darteed u ogaalanay in Xabsiyada Somaliland lagu soo xidho dhalintaas ku rafaadsanayd jeelasha shisheeye, si ay u yimaadaan jeelal ay ka shaqanayaan dad ay isku af, diin iyo dhaqan yihiin, qaraabadooda iyo ehelkoodana ay u suurto gasho sidii ay u soo booqan lahaayeen, taasoo aan suurto gal u noqoteen markii hore, waxa aanu hubinay oo aanu maxbuus kasta weydiinay inuu doonayo in uu Somaliland yimaado, waxaana ay aad ugu farxeen oo ay noogu mahadnaqeen inaanu ka soo saarno Jeelashii ay ku jireen ee ay maamulayeen dad aanay isku af, isku diin iyo isku dhaqan toona ahayni”  Waxa uu xeer ilaaliyuhu ku nuux-nuuxsaday inay arrintani tahay mid Aadaminimo oo kaliya si aanu culayska uga furano maxaabiista iyo qoysaskooda oo wadamo fog kala  joogay.

Runtu siday tahay waa hubaal in Xukuumada Somaliland iyo shacbigeedu ay abaal taariikhi ah oo lama ilaawaan ah u galeen Budhcad badeeda iyo reerahoodii kala lunsanaa, iyada oo maanta ay suurto gal u tahay inay saacadii ay doonaan ehelada maxaabiistu ku booqan karaan Jeelasha Somaliland ee ay ku jiraan, iyada oo laga warqabo in Jeelasha Somaliland ay ka hawl galaan ciidamo loo tababaray sida maxaabiista loola dhaqmo, loo daryeelo loona ilaaliyo xuquuqda uu sharcigu u ogol yahay.

Maadaama ay Jamhuuriyada Somaliland ay kafaalo qaadatay daryeelka muwaadiniinta Somaliland, ayaa hadana waxaa waajib walaalnimo iyo mid Islaamnimo ah  oo reer saaran in intii awoodooda ah ay caawimo u geystaan  dadka Soomaaliyeed iyo qof kasta oo dhibaataysan oo Soomaali ah, wixii aynu la qaban karnana aynu la qabano dadka Soomaaliyeed ee colaadaha, abaaraha iyo maamul xumadu ay aafeeyeen, si la mid ah sidii ay horeba reer Somaliland ugu hureen boqolaalka kun ee Doollar dadkii ku dhibaataysnaa xeryaha Qaxootiga ee Kenya iyo Muqdisho gudaheeda, iyada oo laga warqabo in meelo badan oo Somaliland gudaheeda ah ay abaaro adagi ka jireen, hadana ay reer Somaliland damiirkooda fiicani siiyay inay naftooda ka hor mariyeen nafahii reer Soomaaliya, taasi oo ah ta saxda ah ee Diinta Islaamku ay ina fartay.

Budhcad Badeednimada oo ah dambi aad u culus oo ciqaabtiisu ay gaadhsiisnayd dil iyo del-delaad wixii ka horreeyay qarnigan aynu ku jirno, isla markaasna budhcad badeednimadu ay tahay mid khatar ku ah guud ahaan doonyaha iyo maraakiibta ku socdaalayada badaha, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in si adag loola dagaalamo lana ugaadhsado cid kasta oo ka qayb qaadata falal budhcad badeednimo.

Dhinaca kale Xukuumada Somaliland oo hormuud ka ah cidhib tirka falalka budhcad badeednimo ee ka jira geeska Afrika ayaa si balaadhan dib u habayn ugu samaysay Ciidamada Ilaalada xeebaha ee Somaliland, kuwaasoo oo kafaalo qaatay inay badaha Somaliland ka dhigaan goob ka caagan budhcad badeed, cidii kusoo xadgudubtana gacan bir ah ku qabta mar kasta.

Siyaasada aragtida fog ee Xukuumada Somaliland ay u dejisay inay ka ciyaarto sidii caalkamku  ay isaga kaashan lahaayeen  la dagaalanka budhcad badeedka, iyo doorka Somaliland  kaga aaddan arrintan ayaa horseed ka noqotay dhaqan galinta  Xeer Lr. 52/2012 oo ah ah xeerka la dagaalanka Budhcad Badeedda (Piracy Law) iyo  Xeerka kala wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012 oo ay Golayaasha sharci dejinta Somaliland ansixiyeen Madaxweyne Siilaanyana uu bishii ina dhaaftay 21keedii saxeexay ayaa  Somaliland ka dhigay Qaran la jaan qaadi kara  dunida, oo Somaliland u horseedi doonta inay heshiisyo Talan-taalli ah la gasho dawladaha kale si la mid ah heshiiskii ay dhawaan wada saxeexeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha dalka Seychelles Madaxweyne  James Michel  oo fure u ahaa in maxaabiistii budhcad badeeda ahayd ee ku dhibaataysnaa xabsiyada Seychelles Somaliland la keeno.

Ugu danbayn Xukuumada Somaliland waxa ay ku amaanan tahay talaabada haboon ee ay arrintan ka qaadatay, waxaanay tusaale cad u tahay in Somaliland ay tahay Qaran isku kalsoon,  waxaana ay arrimahani  horseed ka noqon karaan in dunidu ay garawsato kaalinta ay Jamhuuriyada Somaliland ka qaadan karto xasilinta amaanka dunida iyo kan geeska afrika, taasoo soo dedejin doonta Aqoonsi ay Somaliland caalamka ka hesho.

Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Bristol. UK
kaysar@europe.com