Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashey Xaalada Caafimaad Ee Uu Ku Sugan Yahay Madaxweyne Siilanyo

Hargeysa (SLpost):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay inay xaalad caafimaad darro

la soo deristay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanay xukuumadu beenisay warar maalmihii u dambeeyay ku dhex wareegayay baraha bulshada oo sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo ay xaalad caafimaad darro la soo gudboonaatay.

Image may contain: 1 person

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), oo uu wargeyska Geeska Afrika shalay wax ka weydiiyay jiritaankan wararkan ka dayrinaya xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha, ayaa sheegay in Madaxweynuhu caafimaad qabo. Wasiirka oo ka jawaabaya su’aashan ayaa yidhi

 

“Intii aan ogaa Madaxweynuhu wuu caafimaad qabay, markii uu halkan ka tagayeyna wuu caafimaad qabay, wax war ah oo aanu ka helnay a oo ku saabsan xaaladiisana ma jiro, waxaanu qabnaa inuu caafimaad qabo, haddii ay wax soo baxeena reerku way noo soo sheegi lahaayeen, xanuunkuna ceeb maaha, oo ILLAAHAY baa keena, anagu Dawlad ahaana ma hayno in Madaxweynaha xaalad caafimaad darro hayso, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu cimriga iyo caafimaadkaba u dheereeyo” ayuu yidhi