Xukuumada Somaliland Iyo Wefti Ka Socda China Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Ganacsi Ee labada Dal

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaarada wershedaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa shalay kulan  ballaadhan la yeeshay masuuliyiin sar-sare iyo ganacsato ka socday dalka China, kuwaasi safar shaqo ku jooga jamhuuriyada Somaliland.wasiirka warshadaha somaliland

Weftigan oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga ee dalka China qaybteeda maalgeshiga Mr. Ji Shubin, ayaa waxay wasiirka warshadaha ka wada-hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen labada dal horumarinta khayraadka Somaliland, isla markaana ay doorkooda uga qaadan lahaayeen maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha Somalialnd.

Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirkaasi iyo waxyaabihii lagaga wada hadlay, ugu horrayn isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaa noo yimid oo aanu wada-hadal la yeelanay wafdi ka socda wadanka China, gaar ahaan wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga, waxaana marayey oo wafdigan hogaaminayey agaasimaha wasaarada ganacsiga dalka China qaybta maalgashiga iyo saraakiil wehelisa, iyo ganacsato kale oo waaweyn oo socdaalka wafdigan qayb ka ahaa, waxaanuna ka wada hadalnay qodobo muhiima oo dhawr ah,  ugu horayna dhankooda ayaanu ka dhegaysanay maadaama ay maalintii shalay (dorraad), yimaadeen indha indhayn badana soo sameeyeen waxaana ay na siiyeen ka wasaarad ahaan warbixin balaadhan iyagoo noo sheegay sida uu u socdo horumarka wadanka Somaliland, dhinacyada nabadgelyada runtiina ay si aad ah ugu mafsuudeen, waxaana ay noo sheegeen in ay ka waddan ahaan iyo ka wasaarad ahaanba ay doorkooda ka qaadanayaan.”

Wasiirka wasaarada wershedaha Jamhuuriyada Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “anagu dhankayaga waanu soo dhawaynay waxaanuna u sheegnay in waqti intii ay doonaan  aanu siinayno oo ka bogasho ah iyo weliba aragti intii ay uga baahan yihiin , sidii wadanka ay khayraadkiisa, horumarkiisa, iyo dabcan daraasad ahaanba noola samayn lahaayeen, ka dibna ay doorkooda uga qaadan lahaayeen maalgashiga sida ay afrikada kaleba u kobciyeen ee ay uga qayb qaateen shiinuhu.”

Mudane Shucayb Maxamed Muuse waxa uu faahfaahin ka bixiyay nuxurka qodobada ugu doorka roon ee ay ka wada hadleen weftiga China, waxaanu yidhi “Nnuxur ahaan wafdigani waxa u waaweynaa laba qodob socdaalkooda, kuwaas oo ahaa laba wershadood oo tan hore tahay wershed birta ah iyo wershed kale oo aad muhiim ugu ah qaranka, taas oo ah wershed sibidhka samaysa, runtiina waa waxtar guul u ah qaranka Somaliland iyo wasaaradaha wershedahaba, markaa sidii hawshaas ay ku hirgeli lahaydna waanu ka wada hadalnay oo marka la doonayo in wadankan Somaliland in la maalgashado ee ay dad ajanebi ahi ay rabaan inay maalgashedaan  waxay leedahay sharci iyo qawaaniin u degsan dalkeena, waxaanna u sheegay oo fahamsiiyey shuruucdii wadanka u degsanayd iyo halkii ay mari lahaayeen, waxaana jira agaasime dhan oo ka tirsan wasaarada ganacsiga oo qaabilsan waaxda ganacsiga iyo maalgelinta debeda, kaas oo soo waafajin doona xeerarka la maro ka dib marka ay ka soo gudbaan ee soo buuxiyaan shuruudahaas iyo nidaamka ayay u soo gudbayaan wasaarada wershedaha iyo laamaha kale ee dawlada ee doorka ku lehba markaas ayaanu anaguna la eegi doonaa waxa ay wadaan iyo waxa ay wadanka ka qabanayaanba.”

“Runtii waa fursad qaaliya oo dalka shiinuhu waa wadan aad u kobciya wadamada soo koraya, inagana dhaqaalaheena ayaa kor u kacaya, dadkeena ayaa shaqo Ka helaya, cashuur baynu ka helaynaa, si aad iyo aad ahna waanu u soo dhawaynaynaa shacab iyo dawladba, gelinka danbe ilaa aroortana way tegeyaan, waxayna soo noqonayaan iyagoo wafdi sare ah oo ganacsato waawaynina la socdaan, dhinaca kale waxay sheegeen oo muhiim ah in ay shaqaalaha iyo saraakiisha sarsare ee wasaarada wershedaha kaxaynayaan oo geynayaan wadankooda soona  tusayaan wadankooda, sida wasaaradahoodu u shaqeeyaan iyo weliba wershedaha wadankooda ku yaalaa sida ay u shaqeeyaan oo runtii ay ka soo heli doonaan khibrad iyo waayo aragniba oo qodobadii aanu ka wada hadalnay ayay ka mid ahayeen, waana arrin wax wayn inoo soo kordhinaya.” Ayuu yidhi wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland mudane Shucayb Maxamed Muuse, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo wafdigani ay nala soo qaadeen qodob taariikhi ah kaasoo ah markii wadanka Chinuhu uu gelayey 5 wadan jamciyada quruumaha ka dhaxaysa in codkii ay ku galeen ahaa kii aynu lahayn jamuuriyada Somaliland markii aynu xornimada qaadanay taasoo leh xusuusteeda iyo abaalgudkeeeda ahaana qodob ay siteen oo ay na soo hor dhigeen ee aanay ahayn wax ay maanta loo sheegayo.”

Somalilandpost.net