Xukuumada Siilaanyo waxay Dagaal Cad La Gashay Hay’adihii Ka Qayb-Qaatay Guushii Xisbigoodu Ku Hantiyay Talada Dalka

Xukuumada uu hormuudka ka yahay madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee mudada sanadka ah ka talinaysay wadanka ayaa inta la ogyahay dagaal aan geed lagula soo gabanayn kula jirta qaar ka mid ah haayadihii ay taageerada ka heleen xisbigoodu wakhtigii adkaa ee ay ku jireen doorashadii madaxtooyada ee sanadkii 2010kii ka dhacday dalka jamhuuriyada Somaliland.

Waxaa goobjoog iyo markhaati cad loo wada ahaa in xukuumada maanta talada haysaa ay garab ka heleen haayadaha aan dawliga ahayn ee ay ka midka yihiin warbaahinta madaxa banaan, jaamacadaha dalka ee ay ugu horaysay jaamacada Hargaysa, iyo qaar ka mid ah goboladii ay ka heleen codka ugu tirada badan.

Waxaan ognahay in saxaafada madaxa banaan ay ka mid tahay haayadihii taageerada xoogan siiyay wakhtigii uu madaxwaynaha maanta joogaa halganka ugu jiray hanashada madaxtinimada dalka, laakiin markii uu ku guulaystay kursigii ayaa wax walbaaba is bedeleen, oo Axmed Siilaanyo laga waayay geesinimadii uu lahaa wakhtigii uu gudoomiyihii xisbiga mucaaradka Kulmiye ahaa. Xukuumada Kulmiye ayaa dabada ka riixaysa in wax ka badal lagu sameeyo xeerkii saxaafada ee hore loo ansixiyay isla markaana dhaqan gal ahaa, iyadoo doonaysa lagu kordhiyo xeerar adag oo ku qotoma sidii loo xamayn lahaa isla markaan loo cadaadin lahaa saxaafada madaxa banaan ee ka hawl gasha guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland oo ahayd tii garabka ugu wayn siisay wakhtigii uu Axmed Siilaanyo ahaa gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye.

Ardayda jaamacadaha oo ay hormuud u ahaayeen ardaydii jaamacada dalka ugu wayn ee Hargaysa ayaa ka mid ahaa haayadihii kasoo qayb qaatay dhexdhexaadinta doorashadii ay Xukuumadani talada dalka ku hantiday, taasi oo la odhan karo ardaydu waxay badbaadinayeen hanaanka dimuqraadiyadeed ee dawlada Somaliland qaadatay iyo inay kor u qaadaan jiritaanka madax banaanida qaranimada iyo jiritaanka dalkooda, laakiin Xukuumada Kulmiye waxaa kale oo ay intii ay talada dalka haysatay albaabada u laabtay Jaamacadii Hargaysa oo mudo dhawr bilood ah bilaa gudoomiye ah, xafladii jaamacada ee sanadkasta la qaban jiray badhtama bisha sideedaad maanta maalinba maalinta ka danbaysa dibay usii gurmaysaa maamul la,aan awgeed. Gabadh soomaaliyeed ayaa ku maahmaahday “Ninka intaa xoogu leeg yahay inantayda kamuuu dhali kari waayin ee hagrashaa jirta” Xukuumada Somaliland lama odhan karo ma oga, laakiin waxaa jirta siyaasad qarsoon oo aan la doonayn in la xaliyo. Markii xukuumadani qabsatay talada dalka waxay ardayda jaamacaduhu filayeen inay dawlada cusubi u samayn doonto shaqo abuuris oo ay dhalinyarada ka badbaadin doonto tahriibka iyo balwadaha, laakiin nasiib darro may dhicin oo waxay noqotay mid kasii karaamo liidata tii hore ee la dhaliilayay.

Jaamacadaha kale ee ay xukuumadu  baabiisay iyagoo ku socda xawli horumarineed ayaa waxaa ka mid ah jaamacadii Berberaad oo mudo sadex bilood ah u xidhan khilaaf ay xukuumadu dhex dhigtay maamulkii hore ee jaamacadaasi iyo mid cusub oo loo magacaabay, taasi oo keentay in lagu heshiin waayo ardaydii oo wax dhiganaysana askar hubaysan la dul geeyo ilaa iyo maantana shaqayn la,a. Maxay ka shaqaysaa wasaarada Tacliinta sare ee xukuumada Kulmiye? Maxay wax uga qaban laadahay khilaafyada ragaadiyay maamulada jaamacadaha dugsiyada sare? Su,aalahaasi iyo qaar kaloo badan waxaa loo baahan yahay inay ka jawaabto xukuumadu, dadkana ka qanciso.

Xukuumadu waxaa kale oo ay kala saari laadahay ilaa iyo hadda Jaamacada iyo Dugsiga Timacadde oo madaxa iskula jira, iyagoo mudooyinkii u danbeeyayna isku maan dhaafay inay u kala guuraan goobta uu hadda dugsiga sarre ee Timacadde yahay iyo dugsigana  loo raro halka hadda jaamacadu tahay oo badhasaabkii ugu horeeyay iyo xukuumadii hore u qoondeeyeen in laga dhigo dugsiga sare. Sida aad kala socoteen warbaahinta ayaa maamulka jaamacada iyo dugsiga sare ayaa isku diiday inay isku bedelaan goobaha ay hadda dagan yihiin, wasaarada tacliinta sare iyo xukuumada midna arinkaasi xil iskama saarin ee waa la kala taageeray oo dabkaa la sii shiday, arintiina waxay maraysaa hadda meel aan la xalin karin.

Dadkii Xukuumadan soo doortay ee dadaalka usoo galay isla markaana filayay in isbedel horumarineed laga sameeyo guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha. Intii aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada waxaad mooday in dadka reer Somalilandwaa cusubi usoo baxay oo isbedelkii ay filayeen illaahay u rumeeyay laakiin Wax Walba way is bedeleen markii ay xukuumadii Kulmiye la wareegtay taladii dalka, waxyaabihii ay wakhtigii ololaha doorashada lagu jiray dadka u balan qaadeenna dhamaantood waxay noqdeen waxaan waxba laga qaban.

Shacabka reer Somaliland ayaa nacaybka ay u qabaan xukuumada Siilaanyo marayaa heerkii ugu xumaa iyadoon sanadba jirin, ka dib markii ay arkeen goddalloolooyin soo baxayay maalinba maalinta ka danbaysa, iyadoo sidii ay u socotay gaadhay inay baabiiyaan haayadihii aan dawliga ahayn ee garabka iyo dhexdhexaadinta siiyay xibigii uu hogaamiyaha ka ahaa Siilaanyo ee ku guulaystay maamulka dalka.

Maqaalkaygan waxaan kusoo gabogabayn lahaa in guud ahaan dadka reer Somaliland ay baranayeen isbedelka laftiisa, maantana ay barteen sida wax loo badalo, haddii uu shanta sanno waxqabad muuqda ku talaabsan waydo xukuumadu inaan shacabka loo tilmaamayn sida wax loo badalo, awooduna ay gacmohooda ku jirto.

Madaxwayne Siilaanyo waxaa looga baahan yahay inuu dalka siyaasad ku hago oo dhaqaalaha wadanka kor u qaado, oo haddii shaqo la,aanta wadanka ka jirtaa ay sidan kusii socoto aanu jirayn nabada iyo deganaanshaha aynu haysano. Nabada iyo Deganaanshaha waxaa lagu illaalin karaa iyo dadka aqoonta leh ee jaamacadaha kasoo baxaya shaqooyin loo abuuro.

Maqaalkaygan cidna kuma xumaynayo ee waa toosin iyo tusaalayn goddaloolooyinka maanta ka jira wadankeena.

Qalinkii: Ahmed Sheekh Nour Ducaleh (Ahmed Biito)

Email: ahmed_biito@hotmail.com

Hargeisa Somaliland.