Xukuumada oo Raadinaysa Fursad ay kaga Qayb Gasho Munaasibad Labaad oo loo Qabto Ugaaska Gadabuursi iyo Sida ay Boorame u Beddeshay Khudabadihii Ugaasku

Boorame (SLpost)-Ciirada duulaantiyo ceeryaanta maan rogo, waa tuduc hordhac u ah jawigii guud ahaanba ku xeernaa soo dhaweynta Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi,kadib markii jawiga soo dhaweyntu dadweynuhu noqotay ciida oo dhaqaaday islamrakaana, bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal, maalintii Salaasadii ee Todobaadkii tagay kusoo dhaweeyeen, Magaalada Boorame, taas oo isweydiin badani ka timid, su,aashii ka taagnayd xajiintii ka taagnayd dareenkii ay kaga tageen Waftigii Xukuumadu u soo dirty halkaasi iyo sida ay markii waagu beryay ay isu bedeshay Shucuurta Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.

Waxa sawirnaa in xaaladu tahay mid kala qeybsanaani kujirto, oo aan miisaan badani ka muuqaneyn soo dhaweynta Ugaaska, taas oo sabab u aheyd runtii marka hoos loogu dhaadhaco in ay ka soo qeyb galaan marti sharaf culus oo ka kooban umada reer Somaliland, oo madaxdhaqameed, waxgarad ,aqoonyahan ,iyo qeybaha kale ee bulshada leh in ay dadweynaha reer Awdal kala qeyb qaataan soo dhaweynta Ugaaska Taariikhiga ah madaama ay bulshada reer Somaliland inta badan qadariyaan dhaqamada soo jireenka ah ee Taariikhda fog leh, sidii ay iyadoo aan loo kala hadhin uga qeyb galeen Caleema Saarkii Ugaaskii Beesha Ciise ee Degmada Saylac lagu caleema saarey 2dii bishii abril
ee sanadkii 2010ka.

Haseyeeshee, waxay taasi is badeshay kadib markii mowjado dad ah oo aan la qiyaasi Karin shucuurtoodu subaxdii salaaseed , u gaashaanteen soo dhaweynta Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo isaga laf ahaantiisu shacbiga soo dhaweeyay ee mudan iyo
marwaba lahaa ku qaabiley waji furan, oo iftiin badani ka sokeeyo iyo calool xaadhan , oo ay la dhaceen intii isha gaarka ah ku haysay sida ay xaaladu ku danbeyn doonto gaar ahaan warbaahintii dhuganaysey
dhacdada maalintaas.

Hadaba anigoo, u soo dhaadhacaya dulucda qormadan ka warameysa, dareenada bulshadu kala kulantey hadaladii Ugaaska Gadabuursi ee la soo dhaweeyay, ayaa ahaa mid xiisa gaar ah lahaa maadaama uu ahaa Ugaaskii labaad ee gayiga Somaliland hadalheyntiisa laga maqlo oo ku
abtirsanaya ,in ka badan toban awoow oo iska dhexlay Ugaasnimada beelaha Gadabuursi ee kala deganaa Itoobiya iyo Somaliland,iyadoo hadalheyntiisu ka horeysay islamarkaana, warbaahinta Soomaalida ee Geeska afrika siweyn loogu sii baahiyay Caleema saarkii Ugaaska Beesha
Ciise ee Saylac, waxaa xusid mudan kadib markii cumaamada la saarey Ugaaskaasi ee mimbarkii laga naadiyay xubintii gendaha aheyd ee saareysay Cumaamada in ay munaasibadaasi ku dhamaatey iyadoo aan la gaadhin hadal  ujeediyo Ugaasku  guud ahaanba kasoo qeyb galyaashii
xafladiisa.
“Aadbaan u faraxsanahay , waxaan kusoo noqday dhulkeena oo nabad ah waan idiin ducaynayaa in illaahay naxariis iyo nimco ina siiyo, aamiin dhaha ,abaaraha illaahay ha inaga qaado kheyr badan ayaan idiin rajaynayaa, Alxamdu lilaahi rabil caalamiin,qof kastaa xaqa inuu garto ayaa muhiim ah inagu dhaqan beynu laheyn soo jireen ahaa hadaan Taariikhdii hore soo qaadano awoowgey Ugaas Doodi, waxaa xidhay Ingiriiska lix  sanadood ayay Kamaraan ku xidheen, waxyaabihii ay u xidheena waxaa kamid ahaa isagoo u  dagaalamay in ay xornimada qaataan, Waxa ku xigay Aabahay Ugaas Rooble, oo markaa Jigjiga eeriya uu dhargigii ku dilay isaga iyo Aayaday iyo walaashay, sababtuna waxay aheyd isagoo umada Soomaaliyeed u shaqeynaayey,ana anoo yarbaan dalka ka baxay  waxeynu nahay umad walaalo ah oo isku mid ah waxaana, la inooga baahan yahay in aynu hurumar ka shaqeyno oo dadkeena u
shaqeyno, nabedgelyo hadeynu heysanana hurumar ayaynu gaadhi karnaa,ana waan soo noqday ,umada Gadabuursi waxay ku nooshahay Itoobiya Somaliland iyo Jabuuti,anagu xuduudahaa waan ka gudbayaa inta dadkeygu ku nool yahayba ilaa qurbaha umada Soomaaliyeed ayaynu la mid nahay illaahayna waxaan idiinka beryayaa raxmad iyo nimco,anigu waalayaal dhibaato iyo Siyaasad iyo Wasiirnimo iyo waxaa nin Usocda ma ihi allaha ha idin nabbed yeelo walaalyaal, soo dhaweyntiina waan
idiinka mahad celinayaa mar labaad iyo sadexdaaba”.Sidaa waxa yidhi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, waana hadalkii u horeeyay ee uu daahfurka uga dhigay imaatinkiisa Somaliland islamarkaana uu ujeediyay Shacbi weynaha soo dhaweeyay.

Dareenada hadalka Ugaaska ayaa si cad u iftiiminya, in hadalkiisu ka duwanaa Madax-dhaqameedka aynu had iyo jeer u joogno caleema-saarkooda Suldaan, Garaad Boqor Caaqil iyo wixii lamid ah, waxaana falanqeynta khudbada Ugaaska markiiba kasoo baxay in ay aad uga duwan tahay nin
kasta oo balaaqi ah haduuu Sheekh yahay haduu Siyaasi yahay iyo hadii uu bulshada kale yahayba waxaana laga dheehanayay deganaansho badan iyo shucuur islaamnimo ,iyo heybadii hadal hogaamiye rabaysan oo kusoo barbaaray akhlaaq iyo tarbiyad qoys kamid ah kuwa kuwa loo carbiyo
hogaanka.

Sikastaba ha ahaatee, waxa isbadel weyni ku yimid khudabdiisii kadib intii ugu rayiga adkeyd ee aan raalida ka aheyn soo dhaweyntiisa amaba wax tabanaysay, waxana isbadelay qaabkii ay ku kala qeybsami gaadheen bulshada reer Awdal, iyadoo Boorame laga dareemay deganaansho badan oo
tusaale u ah in raadkiisu yahay mid aan la isku xagxagan oo aan la isku nicin ee u qabow reer Boorame iyo Awdal, taas oo ay Xukuumadu Somaliland wakhtigan xaadirka ah siweyn u tabeyso doorka fursadii soo dhaweynta Ugaaska ay halmaantay islamarkaana, ay Reer Awdal kga gashay godob aan la yareysan Karin marka loo eego hadaladii kala Qeybinta ahaa ee Axmed Xaashi oday Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland  Ka Jeediyay madal laga daawadey mashriq iyo maqrib. Gabagabadii waxa guud ahaanba bulshada reer Somaliland u dhegtaagayaan, sida ay mar danbe u heli doonaan fursad labaad, oo munaasibad loo dhan yahay loogu qaban lahaa Ugaaska Taariikhada fog kasoo jeeda iyo hadalkiisa iyo muuqaalkiisu cajabiyeen intii daawatey intii akhrisatey ,iyo goob jooga kaheydba.
Wariye C/raxmaan Nuux Axmed(hiiraan)
Email:hiiraan2007@gmail.com