Xukumadda Somaliland oo Dacwad Ka Gudbinaysa Wakiilka Midowga Yurub oo faro-gelin siyaasadeed lagu eedeyey

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inay diyaarinayso dacwad ay u gudbinayso xarunta guud ee Midowga Yurub ee ku taala magaalada Brussels ee wadanka Biljamka, taas oo ka dhan ah safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya danjire Michele VervoneDurso.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadu ku cadaysay gudbinta dacwadan, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xukuumaddu go’aamisay in dacwad ka dhan ah diblomaasigan dhallinyarada ah loo gudbiyo xarunta guud ee Midowga Yurub. Warku wuxuu sheegay inay xukuumadda Somaliland ku eedaysay ergaygan oo ay dhalashadiisu tahay Talyaani inuu farogelin ku sameeyay siyaasadda gudaha ee Somaliland islamarkaana uu xasarad ka dhex abuurayo gudaha wadanka Somaliland, ka dib safarkii uu dhawaan ku yimid Hargeysa ee uu sida kedis ah kula kulmay muddo kordhintii ay golaha guurtidu sameeyeen.

ergaygaWarku wuxuu sheegay in qodobada kale ee ay xukuumadu cuskanayso uu ka mid yahay hadal la sheegay in safiirku ku yidhi xisbiga UCID oo ah sababta ay xisbiga Waddani ugala qayb qaadan waayeen mudaharaadkii uu ku diiday muddo kordhinta golaha guurtida. Qodobkadan ayaa la sheegay inay xukuumadda Somaliland ka dhigatay udub dhexaadka dacwadda ay ka gudbinayso safiirka. Mar uu Geeska Afrika isku dayay inuu xisbiga UCID wax ka weydiiyo jiritaanka hadalkan ayaanay noo suurtogelin.

Warku wuxuu intaas ku daray inay xukuumadda Somaliland ka dalbanayso Midowga Yurub in laga bedelo danjirahan mar haddii sida ay ku doodayso uu dhex galay siyaasadda gudaha Somaliland. Laakiin waxaan la hubin sida uu Midowga Yurub uga jawaabi doono doodda xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub ayaa si adag isugu maandhaafay muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen oo uu si adag uga horyimid, isagoo kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday inuu laalo muddo kordhinta golaha guurtida, taas oo uu Madaxweynuhuna ku gacan saydhay. Waxaana muuqata inuu bilaabmay dagaal diblomaasiyadeed oo ay wadamada Midowga Yurub iyo Maraykanku ku soo jiheeyeen Somaliland ka dib muddo kordhintaas golaha guurtida.

Xigasho: Wargeyska Geeska Africa