Xukumadda Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Koox Dhawaan Lagu Qabtay Deegaanka Sayla

Hargeysa(SLPOST):- Qaar Ka Tirsan Ehelada Maayarkii Xarshimeed Ee Ka Baxsaday Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Ayaa Sheegaya In Xukuumadda Somaliland Sii Daysay Kooxdii Ka Tirsanayd Maamulka Xarshimeed Ee Booliiska Somaliland Ka Soo Qab Qabteen Deegaanka Sayla.

index

Ehelada Maayarka Xarshimeed Oo Qaarkood Yihiin Reer Somaliland Ayaa Ku Doodaya Xukuumadda Somaliland In Ay Wali Haysato Qaar Ka Tirsan Eheladiisa Oo Lagu Eedaynayo In Ay U Fududeeyeen Baxsadkiisii, Halka Bay Yidhaahdeen Kuwii Kale Ee Ay Xukuumaddu Haysayba Ka Sii Daba Daysay Iyaga Iyo Hubkii Lagu Soo Qabtay Iyo Gaadhigiiba.

Sii Daynta Saraakiisha Ka Tirsan Maamulka Xarshin Ayaan Illaa Hada Xukuumadda Somaliland Wax War Ah Ka Soo Saarin, Maadaama Marka Hore Kooxdaas Lagu Sheegay In Ay Yihiin Maleeshiyada ONLF.

Labada Qof Ee U Xidhan Baxsashada Maayarkii Xarshimeed Ayaa Mid Ka Mid Ahi Yahay Nin Sarifle Haysta, Halka Ka Kale Yahay Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliiska.

Dhinaca Kale, Wali Waxa Xidhan Askartii Saldhiga Dhexe Ee Habeenkaas Heeganka Lahaa Iyo Taliyihii Saldhiga Kuwaas Oo Ay Ku Socoto Dacwad Ka Dhan Ah Baxsashadii Maayarka Xarshimeed, Ilaa Hadana Ma Jirto Maxkamad La Horkeenay.

Xigasho Wargayska Waaheen