Xukumadda Axmed Silanyo Ma Waxay Caado Ka Dhigatay Xayiraada Iyo Cabudhinta Saxaafada Madaxa Bannaan – W/Q: Khadar Jire

khadarMaraka hore waxa aan halkan ka salaamaya dhamaan saxaafada madaxa banan iyo shacab waynaha rere somaaliland meel kesta oo ay joogan hadii aan ku soo dhawaado fikirkayga

Sida aynu wada ognahay  waxa ay shacabka rere Somaliland  ay ku naaloonayeen 22kii sano aynu soo dhaafnay xoriyatul qal iyo dimuquraadiyada  gaar ahaan saxaafada madaxa banan hadaba xukuumada maanta talada  haysa oo in aliyaale intii ay mucaaridka ahayd ku doodi jirtay  in xoriyatul qalka la gu tumanayo  mar aliyaale markii  ay xukuumada siilanyo ku guulaysatay ayay waxa ay wixiiba u badeshay  hal bacaad lagu lisay gaar ahaan saxaafada, hadaba waxa aan leeyahay maxaa uga dhex muuqday xukuumada wargaysaka Hubaal iyada oo aynu ognahay in ay markii horeba uu arinku ka dhacay wererkii ay soo abaabuleen rag xukuumada katirsani  sida aynu ognay waxa jira waxayaabo anshaxa binu aaadmiga ka baxsan hadaba waxa aynu ognahayin ay hadana markel ay albaabada u laabtay xukuumadu wargaysak Hubaal iyada oo u soo martay xeer ilaaliyaha oo ay amarkaana fulisay maxakamada Gobolka Hargaysa isla markaana  ay xayirtay,

Hadaba waxa aan canbaaraynaya xayiraada  ay xukuumadu  ku xayirtay wargayska Hubaal waxa aan leeyahay waa in  ay xukuumadu si dhakhso ah xayiraada  uga qaado una soo celiso xoriyadiisa wargaysaka hubaal  oo ay xukuumadu kadayso saxafada madaxa banan cabudhinta iyo caga julaynta tas oo ka hor imanaysa sharciga u yaal saxaafada oo ay sharciga hor keento cidii ku soo duushay wargayska Hubaal arinka maanta ay xukuumadu  ku hayso saxaafada  waxa uu u dhiganyahay ama uu ka dhiganyahay

(Hashu maankaygii gadee ma maansaar ayay liqday)

  • Ø Waxayaabaha  lagu yaqaano digtaa tooriyada
    • Caga julayn iyo xadhig aan kala go,a lahayn
    • Xukuumada aan hadal oglayn
    • In aan waxaba laga sheegi Karin xukuumada
    • Iyo xukuumada aan duqaadanin

Q/L :Khadar   Jirde Axmed

Director  Of Garsoor Social Development Organization                                                15/06/2o13