“Xuduudka Hargeysa Iyo Boorama Waalla Yaqaanaa, Ee Dadku Haku Iimaan Qabaan In Xuduudaha Gobolladu Yihiin Kuwii Lixdankii” Muuse Biixi

 

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee  KULMIYE ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadlay Muranka ka taagan Lixda Goobood ee Waqooyiga Hargeysa ee Xukuumaddu doonayso inay ka qabato Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland.

 

maxresdefault

 

 

Muuse Biixi Cabdi wuxuu hadalkan sheegay mar uu khudbad ka jeediyay Munaasibad loo qabtay Arday ka qallin-jabisay Jaamacadda TIMA-CADDE ee Magaalada Gabiley, ayaa sheegay in Xuduudka Gobollada Somaliland ku salaysan yihiin kuwii Lixdankii ee uu ka tagay Gumaystihii Ingiriiska, sidaa daraadeed loo baahan yahay in Dadku ku iimaan qabaan xuduudahaas oo Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Dawladaha Hoose-na qeexayo.

 

 

“Xuduudaha Gobolladu waa kuwii uu gumaystuhu ka tagay. Degmadii Hargeysa iyo Degmadii Boorama ee Lixdankii waxa xuduudkooda qoray Ingiriiska waanna la yaqaannaa, wax alaale iyo wax xadkaa laga beddelayaa ma jiro, ee Dadweynuhu haku iimaan qabaan in xuduudaha Gobolladu yihiin kuwii Lixdankii, kaas oo Dastuurkuna sheegay, Xeerka Dawladaha hoose-na sheegay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

 

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa kale oo uu  Madax-dhaqameedka Gobollada Galbeedka Somaliland ugu baaqay in si miyir qabta looga wada-hadlo wixii la la isku hayo oo la is-fahmo, halkii Warbaahinta la iskaga hanjabi lahaa.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa