Xuduuda Jarmalka oo la adkaynayo

 

Jarmalka(SLpost)-Wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka aya sheegay in la adakayanayo xuduudaha jarmalka kadib markii tiro badan oo muhaajiriin ahi ay soo galeen dalka Jarmalka.

Thomas de Maiziere wasiirka daakhiliga ayaa sheegay in koontroolka xadadaku ay ahaan doonto mid ku meel gaadha ah, tareenada isga socda jarmalka iyo Austria ayaa la joojiyey , waxaanu wasiirku sheegay in Jarmalku muujiyeen inay diyaar uyahiin inay qaataan qaybtooda qaxoontiga yurub imanaaya.

150911042521_german_migrants_640x360_reuters_nocredit