Xubno Magaca Somaliland Ku Jooga Muqdisho oo Cadaadis Farmaajo ku hayo Ka Cawday

 

Muqdisho (SLpost)- Xildhibaanno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana ku jira Mudanayaasha labada Aqal Baarlamaan ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay inay cadaadis xooggan iyo cabbudhin kala kulmayaan Madaxda sare ee Dalkaas.

Xubnahan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in guddi loo saaray diyaarinta xubnaha doorashada ka qaybgeli doona iyo habka saami-qaybsiga ay u shaqaynayaan hab ka duwan ujeeddadii loo xulay, isla markaana ay adeegsanayso dowladda hoggaamiyo Farmaajo.

Xildhibaannada hadlay, waxay ku doodeen inaanay aqbali doonin qorshaha Dowladda Soomaaliya iyo xubnaha Xildhibaannada iyo Wasiirrada ah ee reer Somaliland doonayaan inay ku maroorsadaan talada Dadka u dhashay Somaliland ee halkaas u shaqo tagay.

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net