Xubno ka tirsanaa Kooxdii hoggaankeedu nabadda qaatay ee SSC oo maanta Si weyn loogu soo dhaweeyey caasimadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa Kooxdii SSC ee hoggaankoodu baaqii nabadda Madaxweynaha Somaliland u hoggaansamay, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, ka dib markii laga soo galbiyey dhanka magaalada Burco oo si weyn loogu qaban-qaabiyey soo-dhawayntooda.

Saraakiisha kooxdii SSC ee maanta la soo dhaweeyey oo tiradoodu dhan tahay Shan ka mid hoggaankii u sarreeyey kooxdaas, ayaa waxa maanta magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Axmed Cali X. Cadami, Wasiirka Dib-u-dejinta Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, ayaa xubnaha nabadda qaatay ee kooxdii SSC ku soo dhaweeyey duleedka Bari ee Caasimadda.

Saraakiisha ka tirsanaa kooxdii SSC ayaa magacyadoodu kala yihiin, Mahad Nuur Weerar, Cabdi Cadde, Maxamuud Baydan (Dhagyar), Cirro Saleebaan Magan iyo Xuseen Maxamuud Baydan.

Waa markii saddexaad ee saraakiil sar-sare oo ka tirsan Kooxdii nabad-diidka ahayd ee SSC, ay qaataan go’aankii madaxweyne Siilaanyo oo xambaarsanaa baaqa iyo gogosha nabadeed ee uu u fidiyey Shacabka reer Buuhoodle.

Wasiirka Dib-u-dejinta Saleebaan Xagla-toosiye oo ahaa hoggaamiyihii kooxda SSC iyo Wasiirka Nabadeynta gobollada Bari Keyse Cabdi Yuusuf ka tirsanaa saraakiisha u sarreeya ee kooxdaa, ayaa labadooduba wakhtiyo kala duwan ka jawaabay Baaqii nabadeynta ee madaxweyne Siilaanyo, waxaana markii dambe lagu

Dhan kale, wasiir Nabadeynta gobollada Bari Keyse Cabdi Yuusuf, ayaa muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku joogay deegaamo ka tirsan gobollada Buuhoodle iyo Sool, halkaas oo uu kulamo gaar-gaar ah oo dhinaca nabadeynta iyo wax wada qabsiga ah kula yeelanayey madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaamadaas.

SOMALILANDPOST.NET