Xubno ka tirsan Hoggaankii hore ee SOLJA oo Shil Baabuur ku dhaawacmay

Hargeysa (SLpost)- Xoghayihii guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, Gudoomiye xigeenkii hore ee Ururka Maxamed Cabdi Curad iyo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur, ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen shil-baabuur oo maanta ka dhacay waddada u dhaxaysa magaalooyinka Bebera iyo Hargeysa.

dhaawacShilkan ayaa abaaro duhurkii maanta ka dhacay duleedka Berbera,iyadoo Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur oo dhaawac fududi soo gaadhay warbaahinta u sheegay inuu u dhacay si kedis ah.

Masuuliyiintii hore ee SOLJA ee dhaawacyadu soo gaadheen oo wakhtigan xaaladdooda Caafimaad lagu baxnaaniyo cusbitaallada magaalada Hargeysa, waxa ugu dhaawac culus oo xaaladiisa caafimaad liidataa Xoghayihii SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo dhaawacyadu ka soo gaadheen luqunta, ayaa baadhitaanno dhakhaatiirtu sameeyeen ka dib, waxa la xaqiijiyey in maalinta Berri ah loo qaadi doono Cusbitaal Dibadda ah.

SOMALILANDPOST.NET